Advertisements

Ciidamada Badda ee dalka Spain oo ku guuleystay inay qab-qabtaan Koox Burcad Badeed ah oo rabtay inay afduubtaan Markab…

EU's Atalante anti-piracy

Halkaan ka akhri

Warbaahinta Dalka Spain ayaa waxay maanta si aad ah uga hadleen in Markab dagaal oo ay leeyahey Ciidamada Badda ee Spain ay gacanta ku dhigtey 7 ka mid ah Burcad Badeeda oo xilligaa isku dayay inay afduubaan markab xamuul oo laga leeyahey dalka Malta, kaas oo marayey xeebaha Soomaaliya.

Ciidamadii soo qab-qabtay kooxda Burcad Badeeda, isla markaasna badbaadiyey  Markab laga lahaa dalka Malta, sidoo kale isla shaley ayaa gacanka cadmeed laga afduubtay Markab xamuul oo laga leeyahey dalka Holland.

Hase yeeshee Dowladda Spain ayaa sheegtay in Ciidamadeedu Burcada ku weerarey Helicopter arintaas oo u sahashey inay kor uga degaan Doontii Burcadu wateen kalana wareegaan hubkii ay gacanta ku siteen.

Sida la wada ogyahay Ciidamada Spain ayaa waxay qeyb ka yihiin Ciidamada badda ee ku sugan biyaha Soomaaliya, balse ma ahan makii ugu horreysay ay horey dhowr jeer Burcad Badeeda uga badbaadey maraakiib ay ku howlanaayeen inay Afduubaan.

Si kasta ha ahaatee Ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in markab ciidamadooda raacsan ay weerar ku soo qaadeen koox ka mid ah Burcad Badeeda oo la beegsadeen rasaas kooban oo fudud taas oo aan gaarin markabka ka dib markii uu xawaaraha socodka badiyay.

Balse sida lagu soo warramay Burcada ayaa markabkaas eryayey muddo saacad ah , sidaas waxaa shaaca ka qaaday Ciidamada Badda ee Mareykanka ee ku sugan Biyaha Soomaaliya.

SomaliSwiss Madrid

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: