Saraakiisha Cisbitaalka Madiina oo sheegay in 55 qof oo Dhaawac ah Maanta la Dhigay….

Hospital Madiina

Halkaan ka akhri

Wararkii uga danbeeyey dagaaladii manta ka qarxay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa lagu warramayaa in Cisbitaalka Madiina maanta la dhigay dhaawacyo gaaraya ilaa 55 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray iska horimaad kii ka dhacay Jidka Warashadaha, kaasoo ay isaga hor yimaadeen Xoogagga kala taabacsan MMI ah ee ku biiray Dawladda iyo Alshabaab.

Sarkaal ka tirsan Cisbitaalka Madiina oo ka warbixiyay xaaladda dadka dhaawaca ahaa ee la keenay Cisbitaalka, wuxuuna sheegay in 55 qof rayid ah oo dhaawac ah soo gaaray, kuwaas oo qaba dhaawacyo isugu jira kuwo culus iyo kuwo fududba.

Sida uu sheegay sarkaalku Dadka dhaawacyadu soo gaareen ayaa isugu jiray bulshada qaybaheeda kala duwan Rag, Dumar iyo Caruurba, waxayna intooda badan rasaasta habawga ahi ugu tagtay guryahooda iyo goobaha kale ee ay ku sugnaayeen.

Hase yeeshee iska horimaadkii maanta ka dhacay wadada warshadaha ayaa u joogsatay si iskiis ah waxaana jira warar sheegaya in ay jiraan iska horimaadyo noocan oo kala ah oo galabta ka dhacay agagaarka Stadium Muqdisho iyo Miisaanka dhuxusha.

Si kasta arrintu ha ahaatee waxaa jira baaqyo kala duwan oo loo soo jeediyay Xoogagga iska horimaadku dhex maray, kuwaas oo ka kala imaanayay Culumaa’udiin iyo indheer garadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, waxayna ku baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo dhibaatooyinkaas.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: