Gudoomiyaha Xizbul Islaam oo baaq xabad joojin ah u direy dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho.

dr-cumar-iimaan1

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Xizbiga Islaamiga Soomaaliyeed oo wax laga weydiiyay aragtidooda ku aadan iska hor’imaadkii ka dhacey Maanta Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay Ciidamo ka kala tirsan Ururka Al-Shabaab & MMIS Garabka Sheikh C/Qaadir Cali Cumar.

Dr. Cumar Imaan Abubakar oo hadalkiisa sii wata waxa uu ku tilmaamey arrinta ka dhacday manta wuxuuna yiri :“Runtii waa arin aad uga xunahey, waxayna tusineynaa arin cadowgii aad ugu faa’iidayay nala raadinayayna, marka marnaba lama ogolaan karo in Mujaahidiintii qoryihii isku jeediyaan”.

Sidoo kale mar wax laga weydiyey Kaalintooda ku aadan inay arintan qaboojiyaan wuxuu ku jawaabey Sheekhu:“Aad baanu isugu dhabar jabiney waana raadineynaa waana ku daba jirnaa meelo badanna waanu la hadalney, inkastoo ragii Maanta oo kale ay adagtahey sida loo helo ama dadka ay wax ka go’aan hadana tilaab aad u adag baanu horey u qaadney Inshaa Allahu waanu rajeyneynaa inaanu ku guuleysano Saacadaha soo socda intii suura gal ah hadii Ilaahey uu idmo”.

Dhanka kale Sheekhu wuxuu sheegay in Xalintan arintan aaney aheyn mid Xizbiga keliya u taala balse cid walba oo wax ka geli karta u taala mar uu arintaa ka hadlayeyna waxa uu yiri:“Cid kasta oo arintaa gacan ka geysan karta shardi maaha inuu xizbul Islaam keliya galo cid naga sugeysana ma jirto Nin kasta xil baa ka saaran marka arintan oo kale marka ay dhacdo waa la garan karaa oo umadii oo dhan baa dhaqaaqeysaa hadana Ninba meel buu wax ku karinayaa waxaan jeclaan laheyn in dadaalkaas isu timaado oo miro dhaliso Insha Allahu”.

Dr Cumar Imaan Abubakar ayaa u jeediyay baaq xabad joojineed oo u direy dhinacyada is-haya ee dirirtu u dhaxeyso, wuxuuna aad ugu booriyay dhalinyarta Qoriga gacanta ay ku hayaan inaanu noqon mid lagu dhibaateynaya bulshada Rayidka.

 SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: