Afhayeenka 1-aad ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey jagaalada Muqdisho.

dhalxa2

Halkaan ka akhri

Afhayeenka labaad ee Baarlamaanka KMG ah Maxamed Cumar Dalxa ayaa Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ku hadlaya Afhayeenka Baarlamaanka Aadan Madoobe ay soo dhaweynayaan kulankii Shaley dhex marey Madaxda sare ee Dowlada & xubnaha ugu sar sareeya Garabkii ka jabey Xizbul Islaam ee uu hogaaminayo Sh Maxamed Camey.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa Kulankaas ku tilmaamey mid Yidiido & isu soo dhawaansho muujinaya, sidoo kalena ku dayasho mudan sida uu hadalka u dhigey, wuxuuna sheegay  in dhicitaanka Kulankaas uu yahey mid dadaal xoogan u gashey DKMG ah, waxa uuna si gaar ah arintaas ugu amaaney Sh Shariif & Cumar C/rashiid.

Prof. Dhalxa ayaa bogaadin u jeediyay dhinaca kale ee kulanka qeybta ahaa oo uu sheegay inay qaadeen talaabo ku dayasho mudan sida uu hadalka u dhigey.

Sidoo kale xoogaga kale ee ka soo horjeeda DKMG ah ayuu u direy baaq ku aadan inay qeyb ka noqdaan nabada & dib u heshiisiinta, wixii jirana lagu dhameeyo wada hadal sida Shareecadu qabto, waa sida uu hadalka u dhigey Maxamed Dalxa.

Dhanka kale  Sheikh Daa’uud oo afhayeen u ah garabka ka go’ay Xizbul Islaam ee shaley kulanka la qaatey Madaxda sare ee DKMG ah ayaa soo saarey bayaan ka tarjumaya kulankii Shaley oo ka kooban 4 qodob.

Si kasta ha ahaatee Qodobada bayaanka oo Sh Daa’uud Saxaafada u akhriyay ayaa u qronaa sidatan:-

 

1.   Dhaqan Gelinta Shareecada Islaamka.

2.   In laga wada shaqeeyo Sugida Amniga meelna looga soo wada jeesto Dilalka qrosheysan ee lagu beegsanayo Bulshada guud ahaan gaar ahaan dadka wax tarka u leh.

3.   In lagu xaliyo wixii khilaaf ah wada hadal nabadeed.

4.   In la qabto gudi farsamo oo si wada jir ah uga soo shaqeeya dhameystirka wixii dhiman.

 

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: