Kursiga Safiirka Soomaaliya ay ku leedahay Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York oo uu ka jiro is-jiidjiid iyo muran xoogan.

dr-cilmi20axmed-ducaale1axmed-cabdisalaan

Halkaan ka akhri

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore iyo Wasiirkii Warfaafinta ee Dowladdii  Nuur Cadde Mudane Axmed Cabdisalaan oo hadda ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka asagoo wato nuqul wareegto ah oo loogu magagacaabay inuu noqdo Safiir Caalami ah ee dowladda Soomaaliya u fadhiyo Xarunta Qaramada Midoobay.

Hase yeeshee Wararka ka imaanaya Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ayaa sheegaya in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Dr. Cilmi Axmed Ducaale uu ku gacan seyray warqad qoraal ah oo uu u gudbiyay Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, kaasoo ahaa mid uu ku wargelinayay inuu ku wareejiyo kursiga Soomaaliya ee Qaramada Midoobey.

Sida lagu soo warramay in Dr. Cilmi Axmed Ducaale uu ka diiday inuu ka gudoomo Warqad qoraal ah oo  la sheegay in Axmed Cabdisalaan loogu soo magacaabay Xafiiska Soomaaliya ee Qaramada Midoobey, intii uu Madaxweyne Shariif ku sugnaa Magaalada Brussels, isla markaana uu Axmed Cabdisalaan laftiisa halkaas joogay shirkii deeqda loogu uruurinayay Dowladda Soomaaliya.

War ka soo baxay Xafiiska Dr. Cilmi Axmed Ducaale ayaa u sheegay Jowhar.com, in dood kulul ay dhex martay isaga iyo Axmed Cabdisalaan oo xafiiska la soo galay Documentiyo iyo qoraal cadeynaya in isaga loo soo magacaabay Xafiiska, isla markaana uu ka xil wareego, taasoo ay ka careysiisay Mr Ducaale.

Sidoo kale Ciid Badal oo ah Kuxigeenka Safiirka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ku soo baxay dooda dhex maray Ducaale iyo Axmed Cabdisalaan, taasoo uu isku dayay inuu kala dhex galo, hase yeeshee Mr Ducaale ayaa ku andacooday inuusanm ka war heyn qoraalkiisa, isla markaana magacaabida loo soo magacaabay Xafiiska uu yahay mid aan Official aheyn.

Warku wuxuu intaa ku darayaa inay suura gal tahay in Axmed Cabdisalaan uu wato qoraalka aan ilaa iyo hada shaacsaneyn ee uu Madaxweyne Shariif ugu magacaabay Safiirka Qaramada Midoobey inuu u gudbiyo Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon.

Xafiiska ay Soomaaliya ku leedahay Magaalada New York, ayaa lagu soo warramayaa inuu is-jiidjiid iyo muran xoogan uu  ka socdo Xarunta Qaramada Midoobey, waxaana arrintan ay u muuqataa mid cirka isku shareereysa, maadaama ninka jagadan haaya aan horay lala socodsiin magacaabista qarsoodiga aheyd ee Axmed Cabdisalaan loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: