Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo maanta Shir uga furmey magaalada Muqdisho.

shiikh-bashiir-salaad

Halkaan ka akhri

Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa waxa uu Shir Balaaran uga  furmay Hotel Guled ee Magaalada Muqdisho, shirkan oo socon doona muddo 5 Cisho ayaa la sheegay inuu  xiriir la leeyahay Shirkii bishii Febraayo 19da, 2009 uu Culimada ku dhex marey isla Magaalada Muqdisho laguna dhisey Hay’ada Culimada Soomaaliyeed.

Sida lagu soo warramay Shirkan ayaa waxaa ka qeyb geley Culimo kala yimaadeen gudaha dal & Dibadba sidaas waxaa furitaanka shirka ka sheegay Sh. Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoonka Hay’ada Culimada Soomaaliyeed, wax badan ayuuna uga bedelan yahey kii hore.

Hase ahaatee  Sh Bashiir Axmed ayaa wuxuu sabab uga dhigey helida wajiyo cusub si talaabooyin cusub loo qaado Ra’i cusubna logu soo biiriyo Ràyigii hore, wixii maslaxad keeni karana la qaato, taasi oo noqon karta jawaab wanaagsan ee Umada ku qancdo oo dhibaatada ay ku jiraanna uga baxi karaan.

Idaacadda BBC-da Laanta Af-soomaaliga u waramayey Sh. Bashiir Axmed Salaad ujeedada Shirkan inuu yahey sidii loo dar dar gelin lahaa Musaalaxada & isu keenida dhinacyada kale duwan ee is haya iyo sidoo kale la kulanka qeybaha kale ee Bulshada ee arintaas kaalin ku yeelan karta, iyo sidoo kale dibu eegida wixii ka qabsoomey Go’aanadii ay horey shirkoodoo hore uga soo saareen. 

Wuxuu kaloo Sh. Bashiir Axmed uu Saxaafadda u sheegay in falalka amni daro & Xasaradaha taagan ee ka jira Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in shirkan ay ka soo bixi doonaan wax yaabo arimahaas oo dhan soo afjara, dhibaatadana umada ka saara.

Guddoomiyaha Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Midda asaaska waxa weeyaan labada dhinac inaanu la kulano oo isu keeno baanu ku dadaaleynaa Inshaa Allah, tan kale waxaa wahelisa inaanu la kulano dadkoo dadaalka wada, sida odayaashan dhaqanka & Ganacsatada dhamaan dadka nadaba raba ee wanaaga doonaya inaanu la kulano oo ra’igooda qaadano waanu rabnaa ka dibna Culimadu diini ahaan iyo maslaxo ahaanba sax ay soo saaraan baanu rajeyneynaa”.

Sheikh Bashiir ayaa ka warrana Imaatinka Sh Xasan Daahir ee Gudaha Soomaaliya waxa uu yiri:“Anagu ka culimo ahaan Sh. Xasan Imaatinka waxaan u aragnaa fursad wax soo kordhin karta oo Musaalaxada qeyb ka ahaan karta ayaanu u aragnaa, mowqfikiisa waanu ixtiraameynaa anagu culimo ahaan ra’yiga aanu qabno ee Musaaxalo & isu imaatinka ah inaanu kala hadalno ayaanu go’aansaney”.

Waxaa kaloo Xafladda furitaanka shirka ka hadlayey Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo yiri:“Shirkan wuxuu ku soo beegmey xilli aan is leeyahey aad iyo aad ayaa loogu baahan yahey umada soomaaliyeedna runtii waa la garan inay u baahan tahey maanta talo culimo iyo caqli & Aqoontoodaba inay u baahan tahey waa la fahmi karaa waxaan is leenahey waxaa maanta la rabaa wax lagu samata bixiyo Dadka Soomaaliyeed hanbada ka hartey waxay noqon karaan waxaan is leeyahey waxay noqon karaan marka ugu horeysa waxaa iska leh Culimada Soomaaliyeed, laakiin waxaan qabnaa marka hore waxaa loo baahan yahey qaxa in la cadeeyo waxa saxa ahna ee islaamka ku saxa ah la sheego  waxa ku khaladka ahna la sheegay, marka anagu waxaan soo jeedineynaa in fure la helo furhaas uu noqdo furihii xaqa”.

Ma ahayn oo keliya Xaad ee waxaa kaloo shirkaas ka soo qayb galay Odayaashii kale ee dhaqanka, waxayna soo jeediyeen in dadaal xoogan loo galo samatabixinta umada Soomaaliyeed arintaasna la geliyo dadaal xoogan oo aan shir qura noqon balse si joogto ah u socda nta laga helayo xal waara oo umada oo dhanna dan u ah.

Sidoo kale dhinacyadii kala duwanaa ee ka qeyb galey furitaanka shirkan oo isugu jirey Odayaal dhaqan, Ganacsato & qeybaha kale ee Bulshada ayaa aad u soo dhaweeyay dadaalka dib u heshiisiineed ee Culimadu wado, waxayna dhankooda balan qaadeen inay fulinta go’aamada culimada ee shirka garab istaagi doonaan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: