Afhayeenka ciidamada Amisom oo qiray in hal askari oo ciidamadooda ka tirsan looga dilay gudaha magaalada Muqdisho.

afhayeenka-uganda

Halkaan ka akhri

Afhayeenka ciidamadan ka socda Midowga Afrika ee Amisom ayaa faah faahin ka bixiyey dil loogu geystay mid ka mid ah askartooda gudaha magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidamadan Amisom Bridge Bahuku waxaa uu sheegay in askarigaasi xilli uu ku sugnaa bannaanka Kulliyadda Jaalle Siyaad lagu dilay, isagoona sheegay in laga soo toogtay meel fog Maalinimadii Talaadada kadibna u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray.

Askarigan ladilay ayaa ka tirsanaa ciidamada Nabad lilaalinta ee Amisom gaar ahaan kuwa Burundi oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Dhinaca kale Afhayeenka ciidamada Amisom Bridge Bahuku yaa iska fogeeyay eedeyn uga timid dhinaca kaluumaysatada ka kaluumeysta xeebaha gobolka Banaadir, isagoona eedeyntaasi ku sheegay mid been abuur ah oo lagu dacaayadeynayo ciidankooda.

Si kasta ha ahaatee arrintan ayaa waxaa ka horeeyay cabasho balaaran oo ka soo yeerayey kaluumaysatada Soomaalida ah ee ka kaluumeysta xeebaha gobolka Banaadir, taasoo ay ku eedeeyeen ciidamada Amisom in ay dhibaato ku hayaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: