Halkaan ka akhri
Wasiirka Amaanka ee Dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan ayaa iska fogeeyay eedeyn uu u jeediyay C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo ah Kaaliyaha Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Asmara, eedeyntaas oo aheyd inuu hurinayo Dagaal, Nabad gelyadana uu ka soo hrjeedo.
Mudane Cumar Xaashi oo eedeyntaas ka hadlayey uu Warbaahin ugu warramayey waxa uu yiri:“Ninka Fikirkaa qaba waa nin Riyoonaya weeye anigu keligay fikir ma qabi karo laakiin mas’uuliyad Xafiis ayaan leeyahay Xafiis ayaan madax ka ahey xafiiska madaxda ka aheyn waxa uu u xil saaran yahey sidii dalkan Baaba’ay ee burburey Amnigiisa loo sugi ahaa marka taasna waajibaadkeyga cidna uga heybeysan mayo ma jirto marka dabaan shidaayo & Dagaal aan wadaa midna ma jirtoâ€.
Cumar Xaashi wuxuu intaa raaciyay in Ciddii arintaas dhibsaneysa ay tahey inay ka qeyb qaadato nabadeynta ayna joojiso dagaalada ay wado sida uu hadalka u dhigey.
Sidoo kale Wasiirku ayaa sheegay in hadalkii uu ku hadlay uu ahaa mid uu ku cambaareeyay Dowlada Eritrea, taasina uu ku tilmaamey inay qeyb ka tahey Shaqadiisa, balse aanu aheyn dagaal hurin.
Dhanka kale Cumar Xaashi waxa uu sheegay inaanu xog rasmi ah ka heynin hubka uu sheegay in laga soo dajiyay Garoonka Bali Doogle ee Gobolka Shabeelada Hoose Balse uu arintaa Xaqiijinayo.
Warka Cumar Xaashi ayaa ku soo aadaya xilli Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Eritrea Cali Cabdu uu sheegay inaanu aqoosaneyn Dowlada KMG ah, sidoo kalena aanu jirin hub Soomaaliya ay ka dajiyeen.
 SomaaliSwiss  Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.