Wasiirka Warfaafinta oo shalay kala diray Golaha Saxaafadda Qaranka iyo Ururka NUSOJ oo talaabadaas soo dhaweeyay.

wasiirka-warfaafinta-farxaan-cali-maxamed

Halkaan ka akhri

Wasiirka wafaafinta dowlada KMG ah Farxaan Cali Max’uud ayaa shalay kala diray mid ka mid ah Gole Urur Saxaafadeed, hase yeeshee war shalay ka soo baxay Golahaasi ayaa lagu sheegay in uusan kala diri Karin wasiirka golahooda.

Wasiirka warfaafinta dowlada KMG Soomaaliya oo shalay ka qeyb galay munaasibad lagu xusayay maalinta 3-da may oo Astaan u ah maalinta saaxaafada xurta ah ee caalamka ayaa waxaa uu sheegay in uu kala diray golaha saxaafada qaranka oo la aas aasay sanadkii 2007-kii.

Sidoo kale Wasiirka ayaa  sheegay in golaha saxaafada Qaranka ay wax badan soo qabteen isla markaana aysan xiligani la saan qaadi Karin saxaafada cusub uuna kala diray golhaasi lana dhisayo gole saxaafad madax banaan oo qaranka Soomaaliyeed ah.

Xoghayaha Golaha Saxaafada Qaranka Soomaaliyeed Shariif Macalin Max’ed oo bahda Warbaahinta shir jaraa’id u qabtay kadib munaasibada ayaa waxaa uu sheegay in wasiirka uusan kala diri Karin golahooda oo ay yihiin gole ka madax banaan dowlada kmg Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka warfaafintu sheegay in uu kala diray golaha saxaafada Qaranka Soomaaliyeed ayaan hadana waxaan jirin gole dhab ah oo u dooda saxaafada Soomaaliyeed oo lagu tiriyo warbaahinta iyo saxafiyiinta ugu dhibatada badan Aduunka.

Si kasta ha ahaatee Ururka Saxaafadeedka NUSOJ ayaa waxaa uu soo dhaweeyay maanta talaabadii shalay uu Wasiirka Warfaafinta ku kala kala diray Golaha saxaafadda Qaranka.

Xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan oo u waramayay Warbaahinta ka howlgesha Gudaha Dalka soomaaliya, ayaa isagoo Jooga Magaalada Kigali ee Caasimadda wadanka Rwanda soo dhaweeyay islamarkaana tilaabo wanaagsan ku tilmaamay go’aankii uu shalay ku kala diray golaha Saxaafadda Qaran Wasiirka Warfaafinta dowladda KMG Farxaan Cali Max’uud.

Sidoo kale Cumar Faaruuq wuxuu sheegay in Golahaasi markii horaba loo dhisay in ay wax u qabtaan  bahada saxaafadda taasina aysan suura galin intii ay dhisnaayeen sababo la xariira hogaankooda oo liitay.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: