Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Dowladda KMG ah Cali Jangeli oo ka Jawaabey hadal ka soo yeeray Dowladda Eritrea.

wasiirka-gaadiidka-jangeli

Halkaan ka akhri

Jangeli ayaa maanta u waramayey qaar ka mid ah Warbaahinta Magaalada Muqdisho wuxuuna Wasiirku ka  jawaabayey hadal ka soo yeeray Dowlada Eritrea oo ahaa inaaney Dowladda KMG ah ee Soomaaliya uu aqoonsaneyn.

Wasiirku ayaa sheegay inaaney Dowlada Eritrea uga baahneyn wax aqoonsi ah, balse xilligan aduunka oo dhan laga aqoonsan yahay halka iyadu ay yihiin dowladan aduunka inteeda kale ka go’doonsan.

Jangeli oo hadalkiisa wata wuxuu yiri”Eritrea iyadaa go’doon ah maanta hadii Dowladan iyo Eritrea la isu eego iyadaa aduunka ka go’doon ah waa la aqoosan yahey waana shaqeyn doontaa”.

Wasiirku wuxuu Dowlada Erritrea ku tilmaamey in ay tahay talis wareersan oo arinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya aan waxba laga weydiineynin, waayo waxaa aqoonsan Aduunka oo dhan waan arin muhiim ah”.

Sidoo kale  Jangeli wuxuu ugu baaqey Dowladda Eritrea inay joojiso faragelinta ay ku heyso arimaha DKMG ah, halka uu ku tilmaamey hadalka ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Cali Cabdu mid lala yaabo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: