Xafladii Furitaanka Maqaayad (Restaurant) ay Soomaali leedahay oo Shalay ka dhacaday Magaalada Zürich.

dsc00128

Daawo Sawiro kale

Halkaan ka akhri

dsc00125

Waxaa shalay Axadda ahayd magaalada Zürich ka dhacday Xaflad Furitaanka Maqaayad (Restaurant) Somali leedahay oo ay ka soo qeyb-galeen Qeybaha kala dsc00119duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kanton Zürich ee Dalka Switzerland, Maqaayadan oo ah tii ugu horreysay ee ay furtaan Soomaali ayaa waxaa loogu talagay in Soomaalidu isku Aragta, isla markaasna ay ka hesho Cunto-dhqameydka kala duwan oo ay dhaqanka iyo hiddaha u leedahay.

Waxaana Maqaayadaas laga heli karaa Cunto-dhaqameeed & Swiss, Cunto kala duwan oo Dhadhan Macaan Leh, Qado, Quraac iyo Casho.

Sidoo kale waxaa goobtaas idinku soo dhaweynayaa Shaqaale si aad ah uga carbisan, isla markaasna waayo arag u leh howshaas.

dsc00121Waxaa sidoo kale Maqaayadaas (Restaurant) lagu tala galay in Soomaalidu ay ku sameysato Xafladaha Aroosyada, Shirarka iyo dhalashada IWM.

Balse Maqaayadan ayaa waxay kaabiga u saran Masjidka weyn ee  Sheikh Zaid waxayna ku taalaa meel Istratejik ah ee tagta Wadada Lägern str 37, Halte stelle Bus 32 marka uu u socdo Masajidka Rotelstrasse, wuxuu furan yahay Maalin kasta oo Axad iyo Isniin ah Saacadda 9.00 Subaxnimo ilaa 22.00 Fiidnimo.

dsc00127dsc001281dsc00130

Maqaayadan ayaa sidoo kale Furan Maalmaha Talaado, Arbaco, Khamiis, Jimco iyo sabti Saacadda 9.00 ilaa 17.00 Galabnimo.

Si kasta ha ahaatee dadweynihii shalay xafladda furitaanka ayaa si aad ah ugu farxay helitaanka meel ay Soomaalidu ku kulmi karaan, ha yeeshee waa markii ugu horreysay in Soomaalidu ay ku fikirto inay furtaan Maaqaayad.

SomaliSwiss   Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: