Gudoomiyaha maamulka islaamiga ee degmada Buur-Hakaba oo sheegay in ay ciidamo dhigeen wadada isku xirta Muqdisho iyo Buur-Hakaba

buurhakaba

Halkaan ka akhri

War manta ka soo baxay Maamulka islaamiga ee Buur Hakaba ayaa sheegaya in ciidamo ay dhigeen wadada isku xirta Leego iyo Buur Hakaba oo kooxo burcad ah ay dhibaato ka geysanayeen.

Sida lagu soo warramay in maalmihii ugu danbeeyay ay kooxo hubeysan falal ammaan dari ah ka wadeen inta u dhexeeysa deegaanka Leego iyo Buur Hakaba ayaa masuuliyiinta Maamulka islaamiga ah ee degmada Buur Hakaba waxaa ay sheegeen in ciidamo suga ammaanka ay dhigeen wadooyinka isku xira labadaasi.

Xaaji Cabdi Max’ed Nuur oo ah Gudoomiyaha maamulka islaamiga ee ka arimiya degmada Buur Hakaba ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo farabadan ay Deegaanka leego iyo degmada Buur Hakaba kuwaasi oo loogu tala galay in ay cagta mariiyaan oo ay tir tiraan kooxo caadeeysatay in ay dhibaateeyaan gadiidka Bl-ka ah ee halkaasi isticmaala.

Sidoo kale Gudoomiyuhu ayaa wuxuu ku eedeeyay in kooxaha dadka dhibaateeya ay yihiin dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanka Lego iyo Buur Hakaba oo kala qeybiya gobolada Bay iyo Sh/hoose.

Si kasta ha ahaatee Gudoomiyaha maamulka islaamiga ee ka arimiya degmada Buur Hakaba Xaaji Cabdi Max’ed Nuur uu sheegay in xaalada ammaan ee magaalada Buur Hakaba iyo deegaanada ku dhow dhow ay tahay mid wanaagsan maadama sida uu sheegay in ciidamada ammaanka ee maamulkaasi ay xaqiijiyeen sugida ammanka halkaasi.

SomaliSwiss    Buur Hakaba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: