Wufuud Culimaa’udiin Soomaali ah oo ku soo qulqulayo Caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

mudisho

Halkaan ka akhri

Waxaa galabnimadii maanta ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho Wafdi Culimo ah ee uu Hogaaminayo Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan, hase yeeshee Socdaalka Wafdigan ayaa la sheegay inuu la xiriiro dadaalada iyo Dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo lagu dhex dhexaadinayo Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed.

Warku wuxuu intaa ka darayaa in ujeedada wafdigani ay tahay sidii ay ula kulmi lahaayeen Dhinacyadda isku haya Soomaaliya iyo sidii ay u dar-dar galin lahaayeen Arimaha Dacwadda.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Culimadan ay  isku dayi doonaan inay si Dhakhso ah u la kulmaan Dhamaan Dhinacyada is-haya isla markaana ay u kala dab-qaadaan iyaga oo kaashanaya Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed, balse waxay Xooga saari doonaan sidii looga hor tagi lahaa wax kasta oo keeni kara Dagaal iyo Dhiig Danbe oo Daata.

Dhanka kale lama sheegin Cadadka  Wafdiga Culimadan, ha yeeshee waxaa la sheegay inay ka mid yihiin Sheikh Axmed C/Samad Cabdille iyo Sheikh Xasan Maxamed Ibraahim.

Waxaa kaloo isla maanta yimid Magaalada Muqdisho Sheikh Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka soo kicitimay Dalka Qadar, waxaana lagu wadaa inuu isna ka qeyb qaato arimaha Musaalaxadda.

Si kasta ha ahaatee warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Maalmaha soo socda ay Muqdisho soo gaari doonaan Culimo kale oo ka imaanaysa Waqooyiga Soomaaliya oo uu ka mid yahay Sheikh Yuusuf Aadan halka ay Maalmo ka hor u yimaadeen Sheikh Axmed Suleymaan iyo Sheikh Cali Warsame, sidoo kale Dalka Kenya ayaa lagu wadaa in ay ka yimaadaan culimo kale oo ay ka mid yihiin Sheikh Maxamed Calasow.

Waxaa magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa Dhaq-dhaqaaq xoogan oo malmihii ina soo dhaafay ka socday, maalin walbana ay soo gaarayeen Culimo Soomaaliyeed oo iskaga kala imaanaya Dal iyo Dibadba.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: