Wasiirka Maaliyadda dalka Sudan oo shaaca ka qaaday in dowladiisu ay ka caawinayso dowladda KMG ah dib u dhiska Hay’adaha Maaliyadda.

sudan

Halkaan ka akhri

War laga soo xigtay Wasiirka Maaliyadda Dalka Sudan ayaa sheegaya in dowladiisu  ay diyaarsay sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahaayeen Marxaladda Dib u dhiska kadib Qabashada Sheikh Shariif Sh. Axmed Madaxtinimada iyo baadigoobka uu ugu jiro dib u heshiisiinta.

Wasiirka wuxuu intaa raaciyey in dawladda Sudan ay khibrad weyn ka kasbatay ka hortagga Saamaynta Dagaalada iyo Cunaqabataynta, wuxuuna kulan uu la qaatay Shariif Xassan Sh. Adan ku ballan qaaday ka qayb qaadashada dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo dib u soo noolaynta Waaxyaha Maaliyadda iyo Bangigii dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa cadeeyay suurta-galnimada taageero ay Dowladda KMG ah ka siiyaan Khuburo ku xeeldheer dhinacyadaas kuwaas oo ka qayb qaadanaya dib u soo noolaynta Halbawlayaasha dhaqaalaha dalka isla markaana tababaraya dad soomaali ah oo ka shaqeeya qaybahaas muhiimka ah.

Wasiirka Maaliyada dalka Soomaaliya Shariif Xassan Sh. Aadn ayaa sheegay in ay Sudan Is-afgarad kala gaareen soo daabicidda Lacag cusub oo Shilin Soomaali ah, wuxuuna intaa ku daray in dawladiisu ay danaynayso sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinaca Ganacsiga ee ka dhexeeya labada Dal.

Sida aad la socotaan in Sh.Shariif Sh.Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa dhawaan booqasho ku soo maray Dalka Sudan kadib markii ay ka soo qayb galeen shir lagu qabtay Brussels oo Qaaraan loogu aruurinayay DKMG ah iyo Ciidamada AMISOM.

SomaliSwiss    Khartoom

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: