Markab dagaal oo laga leeyahay Portugal oo ka Badbaadiyey burcad badeed Soomaali ah oo afduubi lahayd Markab shidaal waday.

markab-tanker

Halkaan ka akhri

Sarkaal Sare oo  mid ah  Ciidamada ayaa sheegay in Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Portugal, kana mid ah Maraakiibta Isbahaysiga NATO  ee ka howl galka Xeebaha Biyaha Badda Soomaaliya ayaa xalay fashiliyay isku day weerar afduub ay Kooxaha burcad badeedka soomaalida la damacsanaayeen Markab shidaal waday oo laga lahaa dalka Norway

Sarkaalkan oo  u hadlay Ciidamada NATO oo magaciisa lagu sheegay in la yiraahdo Alexsander ayaa u sheegay Wakaaladaha wararka inay fashiliyeen isku day weerar afduub, isagoona sheegay inay gacanta ku dhigeen 19-burcad badeed, kuwaasoo uu sheegay inay si xoogan u hubeysnaayeen.

Hase ahaatee Ciidamada Marineska Portugal oo adeegsanayay Diyaaradaha kuwa qumaatiga u kaca ayaa eryaday Labo doon oo ay wateen Burcad badeedka, kuwaasoo isku dayay inay afduubtaan Markab kuwa shidaalka oo laga lahaa dalka Norway, kaasoo ay Kooxaha Burcad badeedku ku afduuban rabeen meel u dhow xeebaha gacanka cadmeed.

Balse Sarkaalka u hadlay Ciidamada NATO ayaa sidoo kale sheegay inay sii daayeen Burcad badeedkii ay qabteen, kadib markii ay hub ka dhigis ku sameeyeen, waxaana uu Sarkaalku sheegay in burcad badeedka ay wateen Qoryaha AK47 iyo qoriga RBG ee loo yaqaan Baasukaha, kaasoo ay adeegsadaan marka ay markab afduubanayaan.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Markab dagaal oo Holland leeyahay uu gacanta ku dhigay ilaa 10 burcad badeed ah, kuwaasoo uu sii daayay markii uu hub ka dhigis ku sameeyay, waxaana dhacdadaas aad u cambaareysay Wasiirada Arrimaha Dibada Mareykanka Hellary Clinton.

Inkastoo howl galka NATO ee Xeebaha Soomaaliya aan wali heshiis rasmi ah laga gaarin hadii ay qabtaan Kooxaha Burcad badeedka halka lagu maxkamadeynayo, waxaana NATO ay ku andacooneysaa in aanay wali heyn Dowlad si gaar ah u maxkamadeysa Burcad badeedka hadii ay qabtaan, balse waxaa shalay ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaraada Gaadiidka badda oo ka codsaday Beesha Caalamka gaar ahaan Wadamada Ciidamada ku sugan Biyaha Badda Soomaaliya inay u soo gacan geliyaan Burca Badeeda ay ka soo qabqabtaan Xeebaha Soomaaliya si loogu Maxkamadeeyo gudaha Dalka Soomaaliya.

Sida la wada ogsoon yahay Ciidamada Maraakiibta dagaal ee ka socda Midowga Yurub ayaa dhowaan heshiis la galay Dalka Kenya, waxaana dhowr jeer oo hore ay ku wareejiyeen Burcad badeed ay soo qab qabteen, kuwaasoo la maxkamadeynayo.

Si kasta ha ahaatee weerarada Burcad badeedka ayaan wali hakin howl galada ka dhanka ah ee ay ku hayaan Maraakiibta shisheeye, iyadoona xilliyadii u dambeeyay ay kordheen tirada Kooxaha burcad badeedka oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada shisheeye, waxaana ugu dambeysay 29- burcad badeed ah oo uu maalin ka hor Ciidamada Ruushka ku qabteen Xeebaha Soomaaliya.

SomaliSwiss    Wakaaladaha Wararka

%d bloggers like this: