Caalamka oo si weyn looga xusay Maalinta Shaqaalaha Aduunka ee 1-Da May gaar ahaan magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

 Halkaan ka akhri

 

Xuska Maalinta shaqaalaha aduunka 1-da may ayaa si aad ah loogu xusay wadamo badan oo badan oo Caalamka ka mid ah inkastoo qaar ka mid ah shaqaalaha Wadamadaas  aysan ahayn isu soo bixitaankooda mid farxad ah, balse ay ahayd bannaanbax ishtako ah oo ay kaga dacwoonayaan xaaladooda nololeed ee isbeddelka dhaqaale saameeyey.

Sidoo kale muddo 18ban sano ayaa Dalka Soomaaliya ayeysan ka jirin wax la oran karo shaqaale burburka ka dhacay awgiis, balse waxaa shalay shir heer sare loo soo agaasimay ku kulmay dadweyne rabay in loo abuuro shaqo iyo qaar ka mid ah mas’uuliin Dowladda Midnimada Qaran.

 

Munasabad lagu maamuusayo maalinta shaqaalaha aduunka ee 1-da may ayaa  waxaa kaloo  ka soo qayb galeen masuulyiin isugu jira labada gole ee dowlada KMG ah, hase ahaatee waxaa Kulaka Xafladdaas  ugu horreyntii  ka hadlay wasiirka shaqada shaqaalaha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) wuxuuna shaaca ka qaaday inay 1da May  tahay maalin umadda soomaaliyeed ku weyn islamrkaana lagu xasuusan karo maalin shaqaalihii soomaaliyeed ay si weyn u xusi jireen islamrkaana ku beegan maalin ay umada Soomaaliyeed soo martay dhibaatooyin amaan xumo iyo kala dambayn la,aan .

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Mr Maareeye ayaa intaasi raaciyey in munaasabadan awgeed ay maanta ilaa berri oo sabti ah ay shaqaalaha dowlada KMG ah fasax yihiin islamrkaana ugu feestaynayaan qiimaha ay manta leedahay

Sidoo kale waxaa hadalo halkaasi ka jeediyey masuuliyiin isugu jira labada gole ee dowlada KMG ah oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka ahna Raysal-Wasaare Ku Xigeenka Koowaad C/waaxid Cilmi Goonjeex , ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliyeed Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Cali Axmed Jaamac Jengeli.

Hase yeeshee Munaasabadan oo ahayd munasabadii ugu weynayd tan iyo intii ay soo caga dhigatay dowlada cusub ee Madaxweyne Shariif Sh,Axmed magaalada Muqdisho ayaa lagu weyneeyey maalinta shaqaalaha Aduunka oo ku beegan 1-da may taasoo ay riwaayado kusoo ban dhigeen hobolada waaberi oo ka turjumaysa qiimaha ay manta oo kale u leedahay bulshada caalamka gaar ahaan bulshada soomaaliyeed ,islamrkaana ay ugu magic dareen Xuska Maajo Waa Nolol.

 

Si kasta ha ahaatee xuskaan ayaa ahaa mid in badan la sugayey waxayna soo xasuusteen inyar oo ka mid ahayd dadkii lagu casuumay xiliyadii dowladii dhacday munaasibadihii la qaban jiray iyada oo aanay jirin cid loo aqoon san yahay xiligaan shaqaale dowladeed xaruntii xiriirka guud ee ururada shaqaalahana ay dagan yihiin ciidamada Amisom ee ka howl gala wadada Maka almukarama.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: