Advertisements

Xaflada Furitaanka Restaurant Soomali Zürich AXADA 03, Mai

SOMALISWISS

Halkaan ka akhri

Waxaa lagu wargelinayaa Qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Switzerland, gaar ahaan
Magaalada Zürich, In la Furayo Maqaayad Soomaliyeed ee Zürich, Maalinta Axada bishana tahay 03.05.2009 Saacadda markay  tahay 15.00 , Galabnimo.

Waxaad ka heli doonto maalmaha hoos ku qoran, Cunto-dhaqameeed Soomaaliya & Swiss, Cunto kala duwan oo Dhadhan Macaan Leh, Qado, Quraac iyo Casho.

Waxaana goobtaas idinku soo dhaweynayaa Shaqaale si aad ah u carbisan, isla markaasna waayo arag u leh howshaas.

Sidoo kale waxaa Xaruntaas lagu Sameeyn karaa Xafladaha Aroosyada iyo dhalashada IWM.

Cinwaanka, waa Wadada Lägern str 37, Halte stelle Bus 32 marka uu u socdo Masajidka Rotelstrasse ee Sheikh Zaid, wuxuu furan yahay Maalin kasta oo Axad iyo Isniin ah Saacadda 9.00 Subaxnimo ilaa 22.00 Fiidnimo.

Sidoo kale wuxuu Furan yahay Maalmaha Talaado, Arbaco, Khamiis, Jimco iyo sabti Saacadda 9.00 ilaa 17.00 Galabnimo.

Ka soo qeebgal wacan xaflada furitaanka Kulanka Soomali Zürich.
Wixii Wargelin ah waxaad Kala xiriiri kartaa Telefoonada 0797983805, 0787857615 Ama 076.527.36.50 076,3394063.

SomaliSwiss   somalichradio@bluwin.ch

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: