Advertisements

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo ugu baaqay Sheikh Xasan Daahir Aweys in uu qeyb ka qaato dadaalada dib u heshiisiinta.

omaar

Halkaan ka akhri

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo la hadlayey wakaaladaha wararka Caalamka ayaa ugu baaqay Hogaamiyaha mucaaradka Sheikh Xasan Daahir Aweys in uu ka qeyb qaato dadaalada dib u heshiisiinta.

Wasiirka ayaa sheegay dib u soo laabashada Hogaamiyaha mucaaradka Sheikh Xasan Daahir Aweys ee gudaha dalka Soomaaliya in ay abuuri karto fursad weyn oo ah in ay isku soo dhowaadaan garabyada khilaafaadyada uu haatan ka dhex muuqdo.

Gudoomiyaha Isbaheysiga garabka Asmara Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa dib ugu soo laabtay dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, kadib mudo ka badan labo sano oo uu dalka Eritre fadhiyay.

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo la hadlayey taageerayaashiisa kadib marki uu yimid magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in loo baahan yahay ciidamada Amisom in ay deg deg uga baxaan gudaha Soomaaliya, taasoo uu sheegay in ay soo dedejin karto xal ka gaarista arrimaha murugsan ee dalka ka jira.

Baaqan ka soo yeeray dowladda KMG ah ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan shirar loogu gogol xaarayo sidii loo soo afjari lahaa kala duwanaanshaha xaga fakarka ah ee ka dhex taagan dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: