Advertisements

Sheikh Xasan Dahir oo muujiyey degganaansho, balse uu sheegay in weerarkooda uu ku wajahan yahay cadawga iyo Ciidamada shisheeye.

sheikh-hassan-dahir-aweys-1

Halkaan ka akhri

Sheikh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah Hogaamiyaasha Kooxaha Mucaaradka Islaamiyiinta ayaa  maanta salaadii jimcaha kadib ka hadlay Masaajidka Abuu Hureyra ee ku yaala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, wuxuuna uga digay Kooxaha Islaamiyiinta ee ku mideysnaa la dagaalankii Ciidamada Ethiopia inay afka qorigiisa isku jeediyaan, isagoona ku baaqay in la joojiyo dilalka qorsheysan ee ka socda Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah degmooyinka Gobolada Koonfureed.

Hase ahaatee Sheikh Xasan Dahir ayaa sheegay in aanay wanaagsaneyn in dilal loo geysto waxa uu ugu yeeray dadkii af iyo adin ku taageeray Mujaahidiinta, isagoona ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dilalka qorsheysan.

Sidoo kale Sheikhu wuxuu sheegay in ay Ayaan daro tahay ah in xilligan la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyed oo uu sheegay inay caawiyeen Muqaawamadii halganka soo wada gashay, waxaana uu ku booriyay in laga wada shaqeeyo Masaaliixda shacabka.

Sheikh Xasan Dahir Aweys oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaa waaye dadka diintooda iyo maalkooda ha la ilaaliyo, waxaa loo jihaadayay oo cadawga loola dirarayay oo maalkooda ay ku baabi’iyeen waa in ay nabad helaan soo ma’ahan hadey naftooda iyo maalkooda ay u baqaan maanta sow qatar ma’ahan marka walalayaaloow arintaasi ha la ilaaliyo”balse wuxuu intaas sii raaciyey ee u yiri Sheekh Xasan, Dahir maanta Salaadii Jimcaha ku soo tukaday Masaajidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Sida uu sheegay Sheikh Xasan Daahir Aweys in weerarkooda uu ku wajahan yahay cadawga iyo Ciidamada shisheeye, waxaase uu ka berri yeelay dadka la socda oo uu ku tilmaamay dad qaldan oo aan banaaneyn dhiigooda sida uu yiri.

Sheikh Xasan Dahir wuxuu kaloo ka hadlay ee uu yiri: “Jihaadku waxaa uu ku jeeda gaalada laakiin looma baahna in aan anagu isku jeesano, munaafaquna dadka waa uu ka dhex dhashaa isaga hadalka iyo ceebeynta ayaa lagu saxaa oo lagu ceebeeyaaye ee lama dilo hadii uusan dambi kale uusan la imaan, laakiin jihaadka ayuu ka soo horjeedaa iyo waxyaabo kale yaan dadka lagu dilin”.

Sidoo kale Sheikha ayaa manta muujiyey deganaan, hase yeeshee wuxuu sheegay in caalamka aanu dooneyn nidaam islaami ah, isagoona farta ku fiiqay nidaamkii Maxkamadihii Islaamka oo uu sheegay in Caalamka mar kaliya ay ku soo jeesteen, isla markaana ay bur buriyeen, waxaa uu tibaaxay Gaalada ay doonayaan sida ay wax u rabaan.

Sheikh Xasan Dahir oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa hadalkiisa waxay ku soo beegmeysaa xilli maalmahan Magaalada Muqdisho uu ka socday dilal qorsheysan oo qaarkood loo geystay qaar ka mid ah Muqaawamadii soo halgantay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliWiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: