Halkaan ka akhri
Hay’ad Caalami ah oo ka shaqeysa Arimaha Adeegyadda Amaanka Badaha ayaa shaaca ka qaaday inay ku Qabaneyso 27 May ee aynu ku jirno Magaalada Qaahira Shir Deg Deg ah oo looga hor-tagayo Burcad Badeeda, kaasoo ay ka soo qeyb galayaan Tiro Khubaro ah oo ka kala imaanayo Wadamo kala duwan oo ka mid ah Caalamka.
Hay’addan oo lagu magacaabo “Vonescs International Support Services” oo soo saartay Bayaan ayaa sheegtay in ay qabaneyso Shir Deg Deg ah, kaasoo ay ka soo qeyb galayaan Dowladaha Masar, Soomaaliya, Djibouti, Yemen, Urdun, Malaysia, Panama iyo Hogaamiyayaasha Wakaaladaha Caalamiga iyo Shirkadaha leh Warshadaha”.
Sidoo kale Ujeedada Shirkan ayaa ah sidii ay Dowladahaasi isaga kaashan lahaayeen wax ka qabashadda Burcad Badeeda ku sii xoogaysanaya Xeebaha dalka Soomaaliya.
Hay’addan ayaa ku tilmaantay Shirkan inuu yahay mid ay isugu imaanayaan Madax heer Sare ah, inkastoo aysan sheegin Tiradda Madaxda Dowladaha iyo Hay’adaha kale ee ka soo qeyb galaya, balse waxaa la sheegay in Shirkaas uu socon doona 3 Maalmood.
SomaliSwiss Qaahira
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.