Advertisements

Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan oo sheegay inay xoojin doonaan ammaanka guud ahaan G/ Hiiraan.

Baladweyn

Halkaan ka akhri

Sheikh C/raxmaan Ibraahim Mocow oo ah Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay xoojin doonaan ammaanka Magaalada B/weyn iyo guud ahaan Gobolka, isagoona sheegay inay wax ka qaban doonaan falalka ammaan daro iyo rabshadaha ee ka jira Gobolka.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay  in ay haatan wax badan ka qabteen falalkii ammaan daro, waxaana uu xusay inay sii dar dar gelin doonaan howlaha ammaanka.

Sheikh C/raxmaan Mocow  oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Maalmahan waxaan la kulannay waxoogaa rabshado ah, balse haatan waxaan sameynay qorhsooyin cusub oo aan wax uga qabaneyno, dhawaan waxaa la weeraray sarkaal ka tirsan hey’ada Save The Children UK ee magaalada B/weyne, waxaa halkaasi ka dhacay dhibaato.

Sidoo kale waxaa jiray weeraro kale inkastoo ciidamda amaanka ay wax badan ka qabteen, haatan waxaan balan qaadeynaa in inta karaankeena ah aan dadaalno ALLANA nala garabgalo”.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa dhawaan ka dhacay magaalada B/weyn  dagaal ay dad badan ku dhinteen, kaasoo dhex maray ciidamada maamulka Islaamiga ah iyo xoogaga ururka Xisbal Islaam oo ka mid ah xoogaga ka jira Dalka Somalia.

SomaliSwiss   Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: