Xildhibaanada Baarlamanka oo isku Khilaafay Heshiiskii Xadaynta Badda ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya.

barlamaanka13

Halkaan ka akhri

Baarlamanka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa is ku murunsan sida laga yeelayo Heshiiskii xadaynta Badda ee Dowladu lagashay Xukuumadda Kenya.

Sidoo kale Xidhibaano ka tirsan Baarlamanka ayaa ku eedeeye Guddoonka Baarlamanka in ay wadaan qorshayaal meesha looga saarayo Mooshinka ka dhan ah Heshiiskaasi oo baarlamanka horyaal.

Waxaa Maalintii labaad shaki ku jiraa in uu qabsoomayo Kulankii ay ku ballansanaayeen Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya,  kadib markii shalay si lama filaan ah loo baajiyay kulanka baarlamanka.

Guddoomiye ku.xigeenka labaad ee Barlamaanka Cismaan Cilmi Boqore oo katirsan Mas’uuliyiinta baarlamanka ayaa sheegay in Mooshinka ka dhanka ah Heshiiskii xadaynta Badda ay ka caga jiidayaan Mas’uuliyiinta Baarlamanka.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in Baarlamanka uu hor gayn doono Heshiiskaasi xilli Mooshin Heshiiska ka dhan ah uu hor yaal Baarlamanka taas oo muujinaysa in uu jiro isbar-baryaac dhanka Baarlamanka ah.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: