Dadweynaha ku dhaqan degmada Cabdicasiis iyo Nawaaxiga xarunta Baarlamanka KMG oo Barakac xoogan bilaabay.

mudisho1

Halkaan ka akhri

War uu noo diray Wakiilka SomaliSwiss ee Soomaaliya ayaa sheegaya in uu maanta baaqday kulan ay Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ku yeelan lahaayeen xarunta Gaadiidka Booliska oo ku taal degmada C/Casiis Magaalada Muqdisho.

Sidaas waxaa  Warbaahinta u sheegay  Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamanka Cismaan Cilmi Boqore, wuxuuna caddeeyey in kulankii Baarlamanka ee Maanta Arbacada dhici lahaa la baajiyay , balse Gudoomiye Kuxigeenku wuxuu ka gaabsaday sababta loo baajiyery Kulamkaas.

Hase yeeshee warar hoose ayaa sheegaya in Xaalad  Amaan aawgeed loo baajiye kulanka baarlamanka kadib markii dhawaan Kooxo Hubaysan ay Hoobiyaal ku weerareen Fariisinka Baarlamanka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Barakac xoogan uu ka bilaawday xaafado ka tirsan Degmooyinka Shibis iyo C/Casiis sababtoo ah dadweynaha oo ka cabsooday  in laga yaabo Kooxaha Hubaysan  ay ku soo qaadaan duqaymo ku aadan Xarunta Gaadiidka Booliska ee uu Barlamaanka si KMG ah ugu shaqeeyo.

Cabsida ugu daran ayaa dadweynaha soo wajahday markii Hoobiyaal ay ku habsadeen Guryaha ka ag dhaw Gaadiidka Booliska oo ah meel ay ku shiraan Baarlamanka Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: