Ciidamada Badda ee Rushka oo qabqabtay 29 qof oo ay ku sheegeen Burcad Badeed Soomaali ah.

somali-pirate

Somali & English

Halkaan ka akhri

Ciidamada Badda Rushka ayaa Qabatay 29 Burcad Badeed ah oo saarnaa Doon yar oo maraysay Xeebaha Soomaaliya, waxaana lagu sheegay Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Ruushka in Doonta laga soo saaray 7 qori oo ah “Kalashnikov” Khasnado kala duwan iyo Qalab kale oo Badda loogu talo galay.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa Bayaankeeda ku caddeysay in  Markabka Admiral Pantiliev wuxuu Gacanta ku dhigay Saacadu markay ahayd 14:12 GMT ee Talaadadii Doon yar oo ay saaranyihiin Burcad Badeed” wuxuuna tilmaamay Bayaanku inay xireen 29 qof oo la socotay.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in 7 Qori oo Kalashnikov ah, Bastoolado kala duwan, Qalab Badeed la shaqeeya Dayax gacmeedka iyo Tiro Badan oo Xabadaha Baaq ah ayaa laga soo saaray Doonta” “Baaritaankiina waan furnay.

Sida ay sheegtay BBC-da laanteeda Afka Carabiga in la aaminsan yahay in Burcad Badeeda la qabtay ay ka qeyb galeen weerar lagu qaaday Markab ay saarnaayeen Shaqaale Ruushiyaan ah.

Hase ahaatee Ciidamada Badda Ruushka waxay ka mid yihiin Ciidamada Reer Galbeedka ee Badda Soomaaliya geeyay Ciidamo iyo Maraakiib Dagaal oo ku andacoonaya inay Baacsanayaan Burcad Badeeda afduubanaysa Maraakiibta Shisheeyaha.

Si kasta ha ahaatee Ciidamada la soo dhoobay Xeebaha Soomaaliya waxaa ka mid ah:- kuwo ka socda Gaashaanbuurta NATO, Midowga Yurub, Japan, Shiinaha, Hindiya, Yemen, Maraykanka, Malaysia, iyo Singafuur kuwaas oo sheega inay Kormeer joogta ah ku sameeyaan Biyaha Gacanka Cadmeed

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Russian navy seizes 29 pirates off Somalia.

MOSCOW – A Russian warship captured a suspected pirate vessel with 29 people on board off the coast of Somalia, Russian news agencies reported on Wednesday, citing defense ministry sources.

Russia’s Admiral Panteleyev anti-submarine ship seized the vessel 15 miles off the coast of Somalia at 1212 GMT on Tuesday, the Interfax and RIA Novosti news agencies reported.

“Seven Kalashnikov rifles, various pistols and an aluminum ladder were discovered during a search of the ship,” RIA Novosti quoted the source as saying. Satellite navigation equipment and a large amount of ammunition was also seized.

“This allows us to assume that this group of pirates undertook two unsuccessful attempts to seize the TF Commander tanker with a Russian crew that was traveling through this region yesterday,” RIA quoted the source as saying.

Russia is among several naval powers with warships in the area to protect one of the world’s busiest sea lanes from spate of hijackings by Somali pirates.

Source:    Reuters

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: