Madaxweynaha Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in Ciidamada AMISOM aanay marnaba ka baxeyn Soomaaliya ilaa laga dhameystiro dib u heshiisiinta.

president-sheikh-sharif-ahmed-arrives-at-a-donor-conference1

Halkaan ka akhri

 

Madaxweynaha Dowladda Islaamiga Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo booqasho ku jooga Magaalada Khartoum ee dalka Sudan ayaa mar uu la hadlayay Telefisihinka dalka Masar ee lagu magacaabo NIEL-TV waxaa uu ku cel celiyay in Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM aanay marnaba ka baxeyn dalka Soomaaliya iyadoo aan la dhameystirin dadaalada dib u heshiisiinta, haddii ay taasi dhacdana macnaheedu tahay in rabshado dib ugu laabato magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa ka dhawaajiyay in wadada kaliya ee xalka lagu heli karo ay tahay in dhibaatada dalka Soomaaliya marka hore Beesha Caalamka gacan ka geysato si ay cagaheeda isugu istaago.

Si kasta ha ahaatee hadalka Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa ka hor imaanaya baaq uu jeediyay jimcihii Wadaadka ugu weyn ee Mucaaradka Dowladdiisa Sheikh Xasan Daahir Aweys, kaasoo uu sheegay in dalka ay ka baxaan Ciidamada AMISOM, isagoo sheegay inay yihiin AMISOM sidii Bakteeriyada oo kale oo nabada ku horgudban.

Wuxuu kaloo intaas ku daray ee uu sheegay in joogitaanka Ciidamada AMISOM aanay aheyn mid caqabad ku ah shacabka, isagoona soo qaatay howlaha gar gaar ee ay shacabka u qabanayaan sida Cusbitaalada ay ku leeyihiin Xarumahooda oo adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah loogu sameeyay dadka sida uu yiri Madaxweynuhu.

Balse mar uu ka hadlayay mowqifka Maraykanka ee Dowladdiisa wuxuu sheegay in mowqifka Washington uu yahay mid aad u wanaagsan oo danaynaya in xasilooni iyo kala dambeyn lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya iyo in la dhamaystiro wada xaajoodka iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna sheegay in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeedba ay rajaynayaan in dhibaatada Soomaaliya ay waqtiyada ugu dhow ay soo gaba gaboobi doonto.

SomaliSwiss Khartoum

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: