Nicholas Bwakira oo wax laga xumaado ku tilmaamay weeraradii lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqsdisho.

au-front

Halkaan ka akhri

Mr. Nicholas Bwakira oo ah Wakiilka Midowga Afrika ugu qeybsan arrimaha Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weeraradii lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka, kuwaas oo intooda badan ay hareer mareen Xarunta Baarlamaanka, hase yeeshee ay sababeen qasaaro dhimasho iyo dhaawac dad rayid soo gaaray.

 

Wakiilka Midowga Afrika ayaa hadal qoraal ah oo uu ka soo saaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa uu ku sheegay in ay tahay wax laga shalaayo in dad rayid ah ay waxyeelo soo gaartay, isagoona nasiib daro ku tilmaamay kooxaha wali dhibaatada ku haaya shacabka Soomaaliyeed.

 Weerarkii Hoobiyeyaasha ahaa ee shalay lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka KMG ayaa sababay dhimashada ilaa 10 ruux iyo dhaawaca 20 kale, kuwaas oo ahaa dhammaan dad rayid ah oo ay Madaafiicda ugu tagtay guryahooda.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: