Afahayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimadda Beelaha Hawiye Axmed Diiriye oo Canbaareeyey Kooxaha weli dagaalka ka wada Muqdisho.

axmed-diiriye-cali1

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Odayaasha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa weerar afka iyo Canbaareen ah ku qaaday Kooxaha wali ka sii wada dagaalka Magaalada Muqdisho, wuxuuna si kulul u cambaareeyay Wadaada wali dagaalka ku jirta.

Axmed Diiriye ayaa  ku tilmaamay wax loo baahneyn dagaaladii iyo duqeymihii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, wuxuu intaas uu ku daray ee uu sheegay in aanu garaneyn sababta subax walba dadka maatida ee Muqdisho loogu soo kalahayo dagaalo iyo Madaafiic.

Nabaddoon Axmed Diiriye oo arrintaas ka hadlay wuxuu yiri: “War nimanyahow Wadaadada dalkaan ha rogina, balaayada ka daaya, oo dadkaad dileysaan iyo hanjabaada aad wadiin joojiya, dagaalka naga daaya, ma garaneyn sababta aad wali dagaalka u wadaan oo subax walba dadkaan maatida ah ula soo kalaheysaan Madaafiicda”.

Nabaddoonka waxaa uu sheegay in shacabka Muqdisho uu dulqaadkii ka sii dhamaanayo, waxaana uu qeexay in dadka shacabka kaliya lala dagaalamayo, waxaana uu sheegay in weerarada lagu qaado AMISOM aanu aheyn mid toos ah loogala hortagayo ama lagu qaadayo sida uu hadalka u dhigay.

Nabaddoon Axmed Diiriye oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri:”Brundi iyo Uganda ayaan weerarnay baa la leeyahay oo wax laga qaadayo aysan jirin Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareeyay weeraro xambaarsanaa duqeymo oo barqanimadii shalay lala beegsaday Xarunka Baarlamaanka KMG ee Gaadiidka Booliska, kaasoo ka dhashay qasaare soo gaaray dad rayid ah.

Si kastaba ha ahaatee qeyla dhaanta ka soo yeereysa qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa u muuqata mid ay dhagaha ka fureysteen dhinacyada ka soo horjeeda Ciidamada Shisheeye iyo Dowladda KMG kuwaasoo dagaalo iyo duqeymo ku beegsada xarumahooda.

Dhinaca kale Hey’adda Culumaa’udiinka Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay dagaaladaas, iyadoona sheegtay qasaaraha soo gaaray dadka rayidka lagula xisaabtami doono kooxihii ka dambeeyay weeraradii Hoobiyeyaasha iyo dagaaladii shalay ka dhacay Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: