Samiir Xusni Ergayga Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in Sacuudiga uu Dowladda Somalia siinayo Deeq dhan 18 Milyan.

arab-league

Halkaan ka akhri

War uu faafiyay  Wargeyska Al-Sharqal awsat ayaa lagu caddeeyey in Mas’uul sare oo ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta uu u sheegay Wargeyskaas, in Sacuudigu Go’aansaday in uu siiyo Dowladda KMG ah 18 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah, isaga oo intaa ku daray in Sacuudiga sidoo kale ka qeyb qaadanayo Kaalmada DKMG ahi loogu Uruurinay Shirkii Ururka Jaamacadda Carabta ee ka dhacaya Caasimada Qadar ee Dooxa.

Samiir Xusni Madaxa Maamulka Xafiiska Iskaashiga Carbeed ee Afrika ahna Mas’uulka Jaamacadda Carabta ugu Qaabilsan Arinta Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Sacuudiga ay iskeed u go’aansatay inay siiso lacagtaas Dowladda KMG ah Soomaliya, wuxuuna Samiir Xusni ku tilmaamay Kaalmada Sacuudiga iyo mida Carabeedba  ay Muhiim u tahay Geedi socodka Dowladda Cusub ee Soomaaliya, waxayna ku soo beegmaysaa ayuu yiri  Xusni xili ay Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Sheekh Shariif ay isku dayayso inay dib u soo celiso Degenaanshihii iyo Amnigii ka dhumay wadanka laga soo bilaabo 1991.

Xusni ayaa sheegay in Dowlado kale oo Carbeed sida Masar, Al-jeeriya, Imaaraadka iyo Liibiya ay Ballan qaadeen inay u fidiyaan Dowladda KMG ah Kaalmo kala duwan.

Sidoo kale Samiir Xusni ayaa khadka Taleefanka ugu Sheegay Wargeyska Al Sharqal Awsat inuu xiligan uu ku sugnaa Caasimada Beljumka ee Brussels, isagoo hogaaminayay Wafdi ka socday Ururka Jaamacadda Carabta oo ka qeyb galay kulankii shalay ku soo dhamaaday Brussels ee kaalmada Lacageed loogu uruurinayay DKMG ah “Shirku wuxuu sameeyay Calaamad Cusub oo ay Beesha Caalamku kula Tacaamulayso Arinta Soomaaliya”.

Sida aad la socotaan Samiir Xusni ayaa ah Mas’uul sare oo  ka tirsan  Ururka Jaamacadda Carabta, uguna Qaabilsan Arrinta Soomaaliya ayaa sheegay in hadda ay socdaan Xiriir uu Jaamacadda Carabta la Yeelanayo Midowga Yurub, Q.M iyo Midowga Afrika kaas oo ah sidii ay Jaamacadda u qaban lahayd Shirweyne kale oo  lagu Kaalmeynayo Soomaaliya, isla markaana ka dhaca Magaalada Qahira iyada oo uu Maalgalinayo Bankiga Islaamka ee Horumarinta iyo Ururka Islaamka.

Ugu danbeybtii Samiir Xusni oo ka hadlayo Ujeedada Shirka Qaahira wuxuu yiri: “Shirkani ujeedkiisu waa in la jeex jeexo sidii Dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya, ma aha oo kaliya in la siiyo Taageero dhinaca Amniga ah ha ahaadaan Booliiska ama Ciidanka AMISOM”. Wuxuuna Xusni carabka ku dhuftay in Shirka Brussels loo qabtay wax ka baxsan Dalabkii Xukuumadda DKMG ah wuxuuna intaa raaciyay “Balanqaadyada Maaliyadeed ee shirka Brusseles laga yaboohay marka hore waxay Marayaan Q.M”.

Isha Warka     Al-Sharqal awsat

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: