Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in uu Sheikh Xassan Daahir Aweys kala xaajoonayo arrimaha Soomaaliya.

president-sheikh-sharif-ahmed-arrives-at-a-donor-conference

Halkaan ka akhri

Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa Saakay waraysi uu siiyay madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa uu  sheegay in uu si toos ah iyo si dadbanba ula Xaajoon doono Hogamiyaha Mucaaradka Sheikh Xassan Daahir Aweys oo Doraad soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif ayaa sheegay in isaga iyo Sheikh Xasan Daahir Aweys aysan jirin wax dhib shaqsiyadeed oo dhex yaala, balse ay ku kala durkeen aragti Siyaasadeed, sidaas darteed Madaxweyne Sh. Shariif oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Sheikh Xassan Wax Dhib ah oo na dhex yaala aniga iyo isaga oo Shakhsi ah ma jiraan, Shaqo ayaan isku baranay hadana Aragti Siyaasadeed ayaan ku kala durugnay, Dadkuna inay kala aragti noqdaan waa wax iska Dabiici ah, oo wax Dhibaato ah oo ay leedahay Ma jiraa, waxaa Muhiim ah inuu Qof waliba dhiniciisa uga dadaalo waxa wax tari kara Dadka Dalka iyo Diinta kana fogaado wax Dhibaato keeni kara, waxaan rajeynayaa Marka Mas’uuliyadaas inuu ku Baraarugsanyahay Sheekh Xassan”

Mar la weydiiyay Sheekh Shariif inuu Diyaar u yahay inuu la hadlo Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa yiri“Si toos ah iyo si aan Toos ahaynba Diyaaraan u ahay inaan ula hadlo”.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa ka hadlay Waxqabadka Dowladda KMG ah. Isagoo sheegay in ay Dowladiisa intii ay jirtay ay wax qabatay taas oo ay ka mid tahay inay Caasimadii ku shaqeynayaan, Bulshada Qeybaheeda kala duwan ay la kulmayaan, Abaabulkii Ciidanka oo la wado, in la dar dar galiyo Maamuladda Dowlada iyo inay u calaaqaad muhiim u ah la sameyso Beesha Caalamka, isaga oo arimahaasi fasirayana waxa uu yiri“ Dadka Soomaalida ah ama in badan oo ka mid ahba waxaa u fudud inay wax Naqdiyaan oo ay wax ka sheegaan anaga Soomaaliya markaana ku soo laabanaynay waxa laga hadlayay waxa ay ahaayeen Maalmo ma joogi karaan Soomaaliya, waad ogtahay weeraradii nalagu soo qaaday markii aan tagnayba in Dowlada ay sii joogto oo Baarlamaankii iyo Golihii Wasiirada iyo Madaxdii Dowlada oo dhan Halkaasi ay joogaan, Dadkii lala kulmo lagu Baraarujiyo Xaaladda Adag iyo Baahidda loo qabo in Gacmaha la isqabsado si looga baxo Marxaladda adag iyo Howlihii gaarka ahaa oo dhinaca Amniga iyo Abaabulka Ciidanka laga waday, waxay ahaayeen howlo aad u waaweyn sidaas oo kale in la dar dar galiyo Maamuladda Dowlada wixii markaas jiray dib loo saxo waxay ahayd howlo waaweyn oo la qabtay arimaha ku aadan safaradan aad iyo aad ayay Dowlada Muhiim ugu yihiin, maxaa yeelay Calaaqaadka ay Dowladu sameynayso waxay ka mid yihiin Wax-qabadkeeda, haddii aan ka soo qaado shirka aan halkan ku nimid oo wax tarka leh, haddii aan Calaaqaad jirin oo aan Dadaal jirin oo aan la imaanin horeyna looga shaqeyn lama gaaareen arintan, soomaaliyana waxaad ogtahay Dib in loo soo celiyo waxay u baahantahay Dadaal Gudaha iyo Dibadda Dowladu ay ka qabato”.

Dhanka kale Sheikh Shariif wuxuu ka warbixiyey Lacagaha Deeqda, wuxuuna sheegay in lacagaha loogu deeqay DKMG ah ay dhawaan ugu deeqeen Midowga Yurub ay kala aadi doonaan Ciidamada DKMG ah, Ciidamada Amniga iyo Gar-gaarka Bani aadamnimo, sidoo kale isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Xisaabtu hadda ima hortaalo, laakiin lacagtu waxay kala aadi doontaa, Qeyb Ciidamada Soomaalida ah iyo Qeyb Amniga ah iyo qeybo kale oo laga yaabo inay noqdaan waxyaabo la xiriira Gar-gaarka in wax looga qabto”.

Mar la weydiiyay in lacagta inteeda badan ay ku baxayso Ciidamada AMISOM ayaa waxa uu yiri “AMISOM waxaa jiray Lacagihii loo balan qaaday inaan la siin Mudo, marka halkaas waxaa ka jiray Baahi horey u qabeen iyo inta ay Muhimadooda ka dhameysanayaan Baahida ay qabi karaan ayaa meesha tiilay, marka waxaan is leeyahay Ciidamada AMISOM in wixii loo Balan qaaday loo helo waa Balantii oo loo oofiyo, waxa meesha lagu keena Balan qaad anaga dhinaceena Mas’uuliyada na saara waa inaan ka gadno Bulshada Caalamka Baahida loo qabo Ciidanka soomaalida in la dhiso taas ayay ahayd Tiina meel fiican ayay soo gaartay oo aragti fiican ayaa laga qaatay”.

Mar ay BBC-du weydiisay Sheikh Shariif Mudada Dhisida Ciidamada DKMG ah oo qorshaysay inay dhisto 10 kun oo Ciidan Booliis ah iyo 6 kun oo Milatari ah ayaa xiliga lagu dhisayo Ciidankaasi waxa uu yiri “Soomaaliya Dhibaatooyinka ka jira aad ayay u fara badanyihiin, laakiin Dadaalka horey ayuu u bilowday waa socdaa, waxaan rajeynaynaa wakhti kooban in howshaas lagu soo dhameystiri doono”.

Ugu danbeynta Mar la weydiiyay Sheikh Shariif inay la hadlayaan Xoogaga ka soo horjeeda DKMG ah ayaa waxa uu uga jawaabay “Cid walba oo Mucaaradka ka tirsan inaan soo dhaweyno wada hadal lala galo dowlada Qorshaheeda ayaa ku dhisan, dadaalkaasna waa socdaa waana soo dhaweynaynaa aragtidaas iyada ah”.

Isha Warka   BBC-da

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: