Halkaan ka akhri
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho azaa sheegaya in Madaafiic lagu garaacay xarunta Baarlmaanka kmg Ee magaalada Muqdisho oo ku kulansanaa Xildhibaanada ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Â
Hase ahaatee inta la ogyahay 8-qof ayaa ku dhimatay oo mid ka mid ah uu yahay Askari ka tirsan ciidamada dowlada waxaana ku dhaawacmay 13-kalena oo 4-ka mid ah ay yihiin booliis kadib markii madfac uu kula dhacay gudaha xarunta gaadiidka booliiska iyo agagaarkeeda.
Â
Dad ku sugneeyd agagaarka Xarunta gadiidka Booliiska ayaa sheegay in halkaas uu madfaca ku dhacay khasaare geystay , waxay kaloo dadkaas ay Warbaahintu u sheegeen inay indhahooda ku soo aragkeen 3-qof oo meydd ah oo dilay iyo 4-kale oo dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen madaafiicda lagu garaacay agagaarka Xarunta gaadiidka booliiska.
Â
Sidoo kale Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska General Yuusuf Cismaan Dhuumaal oo ah oo shir jaraa’id ugu qabtay gudaha xarunta gadiidka Booliiska qaar ka mid ah Warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka war bixiyay qasaaraha soo gaaray ciidamada booliiska ee ku sugnaa gudaha xaruntaasi,waxanaa uu sheegay in hal askari uu uga geeriyoday ciidamada booliiska ayna ka dhaawacmeen 4-askari,waxaana uu sheegay in weerarkaasi ay ku soo qaadeen kooxo uu ku tilmaamay nabad diidayaal sida uu hadalka u dhigay.
Â
Hase yeeshee Madaafiicda lagu soo garaacay Xarunta gaadiidka booliiska ayaa waxaa ay ku soo beegantay xili Xildhibaanayaasha Baarlamaanka ay ka kala dareereen shir ay ku ansixinayeen mooshin ku aadan miisaaniyada Dowlada ee mudo 3-bilood ah.
Â
Si kasta ha ahaatee ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay weerarkaasi hoobiyayaasha ah ee lagu qaaday xarunta gaadiidka booliiska oo xarun kmg u ah baarlamaanka kmg Soomaaliya,waana weerarkii ugu horeeyay ee lagu qaado xaruntaasi tan iyo markii dowlada kmg ay soo degtay magaalada Muqdisho isla markaana uu baarlamaanka fariisin ka dhigtay.
Â
SomaliSwiss  Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.