Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo Maanta mar labaad u fadhiya qorshaha Miisaaniyada Dowladda KMG ah.

barlamaanka12

Halkaan ka akhri

Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta fadhi ku yeelanayo Xarunta Gaadiidka Booliska, waxaana la filayaa inuu sii ambaqaado doodii ku saabsaneyd Miisaaniyada Dowladda ee saddex bilood ee soo socota, iyadoo Xubnaha Baarlamaanka uu wali dhex yaalo dood kulul, isla markaana ay si aad ah ugu kala qeybsan yihiin qorshaha Miisaaniyada Dowladda ee saddex bilood ee soo socota, ayaa fadhiga uu maanta ku yeelanayo Magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

 

Sida la sheegay Xubnaha qaar ee Baarlamaanka ayaa si aad ah uga soo horjeestay qaabka loo maareeyay Miisaaniyada Dowladda, iyagoona qaarkood saluugay sida Xukuumada wax u soo gudbisay ee ah sida loogu qorsheeyay Miisaaniyada.

Dooda ugu weyn ayaa ah in qorshahan ay soo diyaariyeen qaar ka mid ah Wasiiradii horay ugu jiray Dowladdii hore ee uu Madaxweyne ka ahaa C/Yuusuf, waxaana si adag kaga soo horjeestay Wasiirka dhaqan celinta Prof. Maxamed Cali Ibraahim oo sheegay in Miisaaniyada ay soo diyaariyeen Wasiiradii horay uga tirsanaa Xukuumada.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga C/rashiid Cirro ayaa Baarlamaanka hordhigay Miisaaniyada Dowladda ee ay isla ogolaadeen Golaha wasiirada, waxaana uu sheegay in saddexda bilood ee soo socota Miisaaniyada Dowladda ay noqon doonto 9-milyan oo Doolar.

Si kasta ha ahaatee dooda ugu kulul ayaa ah dhaqaalaha ku baxaya Shaqaalaha ka shaqeeya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Madaxweynaha, taasoo Xubnaha Baarlamaanka ay aad u saluugeen qaabka loogu qoondeeyay miisaaniyada Dowladda.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: