Sheikh Xasan Daahir Aweys oo Magaalada Muqdisho kula hadlay dadka taageersan.

sh-xassan-daahir-aweys

Halkaan ka akhri

War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya  in Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ah Hoggaamiye Xisbul Islaamiga ah ayaa Maanta markii ugu horaysay meel Fagaara ah uga Kula hadlay boqolaal qof oo reer Muqdisho oo isugu soo baxay Afaafka hore ee Saldhigga Booliska degmada W/dhiigleey halkaas oo uu Khudbado ka jeediyeen Hoggaamiyaal ka tirsan Xisbul Islaam iyo Odayaasha Dhaqanka Hawiye Garabka Mucaaradka taageersan.

 Ugu horayn waxaa goobta Khudbad ka jeediyay Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Beesha Hawiye Garabka Mucaaradka taageersan Suldaan Axmed Dhoore oo dadka u soo jeediyay Erayo Guubaabo leh oo looga hadlayay Halgankii ka dhanka ahaa Ciidankii Itoobiya.

Suldaan Dhoore wuxuu Sheikh  Xasan Ku Sifeeye Geesi aan la doodi karin oo dhegaha ka furaystay Baaqyada Wadamada reer Galbeedka sida uu hadalkd udhigay.

Taageerayaasha Sheikh Xasan Daahir ayaa ku dhawaaqayay Earayo Guubaabo ah oo ay isaga ku tusinayeen in uu yahay Siyaasi Maqaam wanaagsan ku leh Bulshada Magaalada Muqdisho.

Guubaabo iyo Erayo ay Kooxo Islaami ah qaadayeen kadib waxaa Makaroofanka Sheikh Xasan ku soo dhaweeye Dr. Cumar Iimaan oo ah Gudoomiyaha Kooxda Xisbul Islaam oo Maanta Muqdisho kusoo bandhigtay Awoodeeda Ciidan.


Sidoo kale  Sheikh Xasan Daahir wuxuu Khudbadiisa ku Furfurtay Mahad naq iyo Aayada Qur’aan ah ayaa si wadajir  ah u salaamay dhamaan dadkii ka soo qayb galaz ee quraxda u taagnaa si ay uga dhegaystaan Fariintiisa uu Dalka kula soo laabtay.

Sheikh Xasan Daahir wuxuu ziri: ” Walaalayaal waxaa farxad ii ah in aan Maanta wada joogno Goobihii ay Cadawga Itoobiya ka carareen,waxaan hambalyo iyo Bogaadin u dirayaan dhamaan Shacabka iyo Mujaadihiinta weli sugan, intaas kadib walaalayaal lama gaarin Nabaddii aan dhigga du aadinay”.

 SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: