Madaxweynaha dowladda Islaamiga KMG Soomaaliyeed oo la filayo inuu la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan dalka Belgium-ka.

somalias-president-sheikh-sharif-ahmed-arrives-at-a-working-lunch-during-the-international-somali-donors-conference-in-brussels-april-23-2009

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda Islaamiga KMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo casuumaad ay u fidiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Belgium-ka.

Kulankan ayaa la filayaa in mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ay kala hadlaan Madaxweynaha Soomaaliya, xaaladda uu haatan marayo dalka Soomaaliya iyo doorka ay ku yeelan karaan wax ka qabashadooda dhibaatada taala dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa ka qeyb galay shirkii caalamiga ahaa ee ay deeqda ugu uruurinayeen midowga reer Yurub ee ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium, iyadoo uu madaxweynaha halkaasi kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda adag ee uu marayo dalka Soomaaliya.

Shirka ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa waxaa lagu balan qaaday lacago gaaraya ilaa $250 milyan, taasoo dowladda Islaamiga Soomaaliyeed loo soo marsiin doono hay’adda lacagaha ee Qaramada Midoobay si wax looga qabto dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Brussels

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: