Maamulka Islaamiga Gobolka Hiiraan oo sheegay inay rajo ka qabaan xal laga gaaro dagaalkii dhawaantan ka dhacay Baladweyne.

baladweyne2006

Halkaan ka akhri

Taliyaha ciidamada maxkamadaha islaamiga magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay rajo ka qabaan xal laga gaaro dagaalkii dhawaantan ka dhacay Baladweyne.

 

Ibraahin Yuusuf oo ah taliyaha ciidamada maxkamadaha islaamiga ee magaalada Baladweyne ayaa sidoo kale sheegay in rajo wanagsan ay ka qabaan in xal laga gaaro arimihii dhaliyay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaaladaasi.

 

Sidoo kale sarkaalkasi waxaa uu sheegay in ay jiraan dedaalo ay wadaan odayaasha magaaladaasi kuwaasi oo lagu doonayo in wax looga qabto xiisadaha ka dhex oogan xoogaga muqaawamada,waxaana uu odayasha ku ammaanay dowrka ay ka qaateen dagaalada dhawaan ka dhacay Baladweyne.

                

Taliyaha ciidamada maxkamadaha  islaamiga ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu shacabka magaalada Baladweyne ugu baaqay in ay is dajiyaan ayna xiisada dhamaan doonto dhawaan sida uu sheegay.

 

Sida aad la wada socotaan dhawaan ayey aheyd markii dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac ay magaalada Baladweyne ku dhex mareen xoogaga ka tirsan muqaawamada.

 

Si kasta ha ahaatee hadalka taliyaha ciidamada maxkamadaha islaamiga ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu imanyaa xili shalay saladiinta gobolka Hiiraan ay shacabka ugu baaqeen in ay joojiyaan barakaca ay wadaan ayna is dejiyaan iyagoo u sheegay xaaladaha taagan in xal laga gaari doono.

 

SomaliSwiss      Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: