Wadamada ku bahoobay Midowga reer Yurub oo dowladda Islaamiga KMG ugu deeqay illaa 60 Million oo Euro.

jose-manual-barossa-1

Halkaan ka akhri

Wadamada ku bahoobay Midowga Yurub ayaa la sheegay in Dowladda Islaamka ah KMG Soomaaliya u balan qaaday in uu siin doono Lacag dhan 60 Milyan Euro ah, si ay ugu dhisato ciidamada iyo sidoo kale Ciidamada Nadad ilaaliyaasha ah ee ka socda Midowga Afrika ee Soomaaliya loo geeyay in ay ka shaqeeyaan Nabadda.

 

Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa Warkan faafisay, kadib kulan ay Magaalada Brussels  ku yeesheen Midoga Yurub iyo Wadamada deeqda bixiya waxaana lagu shegay in lacagtaas looga gol leeyahay sidii ay Dowladda KMG ah ugu dhisan lahayd ciidamo la dagaalama Budhcad badeeda weerarka ku haysa Maraakiibta  Shixnadaha Gacansiga ah sida ee mara Bad weynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

 

Jose Manual Barossa oo ah u Guddoomiyaha Midowga Yurub  ayaa sheegay in Budhcad badeed ka jirtaa Xeebaha Soomaaliya khatarta ay leeyihiin loo gudbiyay Beesha Caalamka wuxuuna sheegay in arintaas looga jawaabay in Xeebaha Soomaaliya loo diray Ciidamada Badda ee Midowga Yurub iyo Isbahaysiga  wuxuuna xusay in wali aysan ciidamaas ku filayn wax ka qabashada Budhcad badeeda.

 

Sidoo kale Bayaan ka soo baxay Midowga Yudub ayaa sheegaya in Midowga Yurub uu gacan weyn ka geysan doono Mustaqbalka Amniga Soomaaliya, arintaasina waa mid adag oo dhab ah,  waxaana bayaankaas sidoo kale lagu xusay in marka hore ay tahay in la xaqiijiyo amniga bariga si wax looga qabto kan Badda.

 

“ Xalka kaliya  ee dhabta ah ayna suurta galka tahay in la dabaqo waa in la Soomaliya laga caawiyo Xaga Gudaha  lana midooyo dadaalada Beesha Caalamka lana saacido Dowlada Cusub si ay wax uga qabato xasiloonida iyoamniga”, sidaas waxaa yiri Jose Manual Barrosa

 

Waxaa sidoo kale arrintaas ka hadlay Luis Michel oo ah u qeybsaha Midogwa Yurub Arimaha gar gaarka oo ka  codsaday dhamaan dowladaha kale in ay si deeqsinimo leh wax u bixiyaan.

 

Deeqda uu Midowga Yudub u yabaahay Dowladda Islaamiga KMG Soomaaliya ayaa ah tii ugu badneyd ee uu Midowga Yurub siiyo Dowladahii Soomaaliya Matalaysa, balse lama oga sida ay Dowladda KMG ah ee cusub, ugu gudbi karto caqabada ad adag ee horyaala Aduunweynuhuna uu cadaadiska ku saarayo sidii uga gudbi lahayd.

Somali Swiss      Brussels

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: