Gudoomiyaha Isbaheysiga garabka Asmara Sheikh Xasan Daahir Aweys iyo wafdi uu hogaaminayo oo Maanta Barqadii tagay magaalada Muqdisho.

sheikh-xasan-dahir21

Halkaan ka akhri

War degdeg ah ee aan la hubin run ahaantiisa ayaa sheegaya in Gudoomiyaha isbaheysiga garabka Asmara Sheikh Xasan Daahir Aweys iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow ka soo degay Garoonka diyarada macmalka ee Number 50 ee Gobolka shabeelaha hoose halkaasoo uu kaga sii gudbayo magaalada Muqdisho iyagoo imaashihiisa aan hore loo shaacin ku so gaaray Soomaliya.

Sheikh Daahira iyo Wafdigiisa ayaa la sheegay  inay ka kooban yihiin 7 xubnood iyadaoo aan la ogeyn ujeedada socdaalkooda waxaan wafdiga haatan loo gelibinayay gudaha magaalada Muqdisho.

warku wuxuu intaa ku darayaa in Amaanka garoonka aad loo adkeeyay ka hor intuusan ka soo degin Sheikh Xasan Daahir Aweys iyo wafdigiisa, waxaana socdaalkiisan ay ku soo begmeysaa xilli laga cabsi qabo in dagaalo ay ka qarxaan gudaha magaalada Muqdisho.

 Wadaadkan oo ay horey  isku fikrad ahaayeen Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa ku kala tegay kadib markuu oggolaady in wadahadal la gelo Dowladii isaga ka horreysay, balse sheikh xasan ka soo horjeeda Siyaaddii uu watay Shariifka.

 Somali Swiss Muqdisho

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: