Wasiirka Amniga dowladda Islaamiga Soomaaliya oo si kulul u cambaareeyey dilkii mid kamid ah Saraakiishii Maxkamadaha Islaamiga.

wasiirka-amniga

Halkaan ka akhri

abdul-arts1Wasiirka Amniga dowladda Islaamiga Soomaaliyeed Cumar Xaashi Aadan ayaa ka hadlay, si kululna u cambaareeyey dilkii loo geystay Maalinimadii shalay mid kamid ah Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga gudaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Cumar Xaashi Aadan ayaa ku eedeeyey falkaasi dilalka qorsheysan ah in ay ka dambeeyaan dhaq dhaqaaqa xarakada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa iyagu dhinacooda iska fogeeyey isla markaana cambaareeyey dilalka ka soo cusboonaaday gudaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga ee dowladda Islaamiga Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu jiro qorsheyaal ka dhan ah dilalka soo kordhaya ee ka taagan caasimada Muqdisho.

Waxaa kaloo uu sheegay in dad la garanayo ay ka dambeeyaan dilalka, isagoona intaasi ku daray in dowladdu ay qaadi doonto talaabo sharci ah oo arintaasi ku aadan.

Wasiirka ayaa dhanka kale waxaa uu iska fogeeyey eedeyn ku aadan inuu mas’uul ka yahay dagaalkii ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sarkaalkan lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Jimcaale (Cagaweyne) ayaa Shalay waxaa lagu dilay gudaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan lagaraneyn cida sida rasmiga ah ka dambeysay dilkiisa.

Waa sarkaalkii 3-aad oo toogasho lagu dilay bishan gudaheeda, kaasoo aan weli jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ka dhanka ah Maxkamadaha Islaamiga.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: