Madaxweynaha dowladda Islaamiga Soomaaliya oo ka horjeestay in faragelin lagu sameeyo xeebaha dalka Soomaaliya.

somalia_president

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda Islaamiga Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ku sugan magaalada Qahira ee dalka Masar ayaa sheegay in isagu uu aaminsan yahay inaan marnaba lagu xalin karin Burcad Badeeda faragelinta ay xeebaha Soomaaliya ka wadaan dalalka caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif ayaa isagoo u waramayay Barnaamijka “Subax wanaagsan” ee ka baxa Telefishinka magaalada Qahira waxaa uu sheegay in markii horeba Burcad Badeednimada ay ka bilaabatay xadgudub ay Maraakiibta mareysa xeebaha Soomaaliya ay ciriiri badan kala kulmeen kalluumeysatada.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in isagu uu aaminsan yahay in meesha aanu ka marneyn damac loogu soo dhuumanayo faragelin lagu sameynayo Burcad Badeeda ka qooleysata xeebaha dalka Soomaaliya.

“Xalka kaliya ee looga hortegi karo Burcad Badeeda Soomaaliya waa in dib loo dhisaa ciidamada Dowladda Soomaaliya si taasi ay u hirgashana waa in Beesha Caalamku naga taageerto dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sh. Axmed oo dhinaca kale sheegay in dalalka caalamka ay ka foojignaadaan faragelin Militeri oo ay ka sameyaan berriga dalka Soomaaliya iyagoo baacsanaya kooxaha Burcad Badeeda.

Madaxweyne Sheikh Shariif oo labadii Maalmood ee ugu dambeysay ku sugnaa dalka Masar ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda dowladda Masar, iyagoona isku afgartay dhammaamba waxyaabihii ay ka wadahadleen.

SomaliSwiss Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: