Madaxweynaha Dowladda Islaamiga Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed oo ka degay dalka Masar.

president-sheikh-sharif-ahmed-11

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda Islaamiga Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa la sheegay inuu Maanta Barqanimadii ka degay Magaalada Qaahira ee Xarunta Dalka Masar, Booqashadan ayaa waxay noqoneysaa tii ugu horeeysay ee uu halkaa ku tago tan iyo markii loo doortey Madaxweynanimada.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Booqashadiisan dalka Masar ayaa lagu wadaa in ay qaadato labo Maalin, waxaana ka mid ah arimaha uu halkaa u tegay in Madaxda Dalka Masar iyo Jaamacada Carabta kala hadlo, Nabad lagu soo dabaalo geyiga Soomaaliya iyo arinta Burcad Badeeda.

 

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in Madaxda Dowladda Masar uu si gaar ah uu ugala hadlo, arrimaha dib u dhiska, dhaqaalaha iyo arrimo kale oo udub-dhaxaad u ah xal u helidda dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa la sheegay in ujeedada socdaalka Sh. Shariif uu ku tegay dalka Masar ay ka mid tahay sidii Dowlada Masar kala hadlaayo ugala hadli lahaa Arrinta Burcad Badeeda oo ah dhibaatada uga weyn haatan ka jirta badaha dalka Soomaaliya.

 

Dhanka kale Safiirka Dowladda Islaamiga ee KMG Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar iyo Jaamacada Carabta C/laahi Xasan ayaa sheegay in labada dhinac ka wada hadlayaan adkeynta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood.

 

Madaxweyne Sh. Shariif waxa uu horey u soo marey Dalka Turkiga oo ku sugnaa labo maalin, kulamo kale duwanna uu la soo yeeshay Madaxda Dalkaasi.

 

Hase yeeshee booqashadiisa dalka Masar Ka dib, waxaa lagu wadaa in inuu ugu sii kicitimo magaalada  Brussels, si uu halkaa uga qeyb galo shir ka furmayo oo dhaqaale loogu weydiinayo Dowladda Islaamiga ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan.

 

SomaliSwiss    Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: