Halkaan ka akhri
Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Dagaalkii Shalay ka dhacay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ee u dhaxeeyay MMIS Garabka ku Biiray DKMG ah ee Gobolka Hiiraan iyo Xisbul Islaam, waxayna hay’addu ku Baaqday in la joojiyo.
Sheikh Cismaan Ibraahim Maxamed oo ah Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda u waramay qaar ka mid ah Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa ugu Baaqey Xoogaga ku dagaalama Baladweyn in ay iyaga iyo Shacabkaba ku ridin wax Xabad ah.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa ku tilmaamay Khasaare Aduun iyo Mid Aakharo in maanta ay Dagaalamaan Dadkii shalay Jihaadka soo wada galay, dhamaan isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Anaga waxaan Rajeynaynaa Shaydaankaas inaan ka Qaalib noqono insha allaahu Tacaalaa anaga iyo Culimadda iyo inta kale ama Iclaamka ha ahaado ama Odayaasha Qabaa’ilka ha ahaado iyo Wixii wax garad ahba inay ka tabar roonaadaan Shaydaankaas ayaan rajeynaynaa, anaga waxaan ugu Baaqeynaa war iska daaya Dagaalka Walaalayaal, war Dagaalka iska daaya Walaalayaal Dadkana ka daaya idinka Dhexdiinana ka daaya, Mas’uuliyadeeda Qaada Culimaa tihiin Shalay Jihaad baad soo gasheen, Jihaadka ha iska baabi’inina, idina Xabad ha isku ridina Dadkiina kalana xabad ha ku ridina marka Mas’uuliyadii Umadda aad qaadi lahaydeen inaad idinka dib iskugu noqotaan risiidkii iyo kaydkii idiin yaalay inaad Dib u cuntaan taas waxay ila tahay waa Khasaaro aduun iyo aakharaba”.
Sidoo kale hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili Qaybaha Bulshadu ay ku qaylo dhaaminayaan in la joojiyo Dagaalkaasi, iyada uu ka dhashay Khasaare dhimasho oo kor u dhaafaya 10 qof iyo dhaawaca in ka badan 30 qof kuwaas oo u badan dad shacab ah.
SomaliSwiss Addis-Ababa
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.