Gudoomiye Ku-xigeynka 2aad ee Barlamaanka oo Warbaahinta ka dalbaday in dowladda loogu yeero dowladda Islaamiga Soomaaliyeed.

boqorre1

Halkaan ka akhri

Guddoonka Baarlamanka Islaamiga Soomaaliya ayaa Warbaahinta ka dalbaday in Dowladdu lagu magacaabo “Dowladda Islaamiga ee Soomaaliya” Sidoo kale Cismaan Cilmi Boqore oo ah Gudoomiye K/xigeenka Labaad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in Baarlamanka Islaamiga ah ee Soomaaliya uu shalay gutay Waajibaad Taariikhi ah, wuxuuna  baal Dahab ah ka gelaayaa Taariikhda Dunida Muslimka ah .

Hase yeeshee Cismaan Cilmi Boqore oo shaqsi ahaan ugu Farxay Ansaxinta qodobka ku dhaqanka Shareecada Islaamka ayaa markii ugu horaysay qiray in Xildhibaanada Soomaaliza ay ka baqi jireen soo bandhigidda qodobka Shareecada Islaamka, balse shalay ax muujiyeen kartidooda iyo sida az u jecel yihiin Diintooda.

Guddoomiye Ku/xigeynka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu ziri “Walaalayaal markii aan Baydhabo joognay waan labaqi jirnay qodobka ku dhaqanka Shareecada Islaamka hadana annagaa Madax ah,laga bilaabo Maanta Dowladu waxay Noqonaysaa Islaami”.

Sida la wada ogsoon yahay Cismaan Cilmi Borre oo mar walba ku baaqi jiray ku dhaqanka Shareecada islaamka ayaa si weyn ula hadli jiray Xildhibaanada Baarlamanku  in ay dhaqan geliyaan sidii Dalka si rasmi ah loogu Maamulo Shareecada Islaamka.

si kastaba ha ahaatee Shacabka Soomaaliyeed ayaa Isha ku haya sida Dowladda islaamka Soomaaliza u dhaqan gelin lahayd qodobka ku dhaqanka Shareecada islaamka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: