Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Ururka Xisbul Islaam oo soo dhaweeyey Go-aankii shalay ee Barlamaanka….

astaanta-gmhawiye1

Halkaan ka akhri

afhayeenka-xisbul-islaam-sheikh-muuseUrurka Xisbul Islaam oo ka mid ah garabyada ka soo horjeeda Dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa taageeray go’aankii Baarlamaanka shalay isugu raacay in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka.Afhayeenka Xisbul Islaam garabka Dr. Cumar Iimaan oo la yiraahdo Muuse Cabdi Caraale ayaa ku nuux nuuxsaday inay soo dhoweeynayaan tallaabadaas, isagoona sheegay inuu ahaa go’aan mar hore laga sugayay oo lala soo daahay.
“Waan soo dhoweyneynaa tallaabada uu Baarlamaanka ku qaatay shareecada Islaamka, inkastoo lala soo daahay”ayuu yiri Muuse Cabdi Caraale oo Dowladda ugu baaqay inay ka dhabeyso arrinkaas isla markaana la timaado ficil ahaan sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Caraale ayaa sidoo kale ka dalbaday Dowladda inay marka hore ka hirgeliso shareecada Islaamka, goobo uu sheegay in Ciidamada Dowladdav qaarkood dadka ku dhibaateeyaan, waxaana uu tibaaxay in sidoo kale la doonayo in dalka ay ka saarto Ciidamada shisheeye.

Dhinaca kale Odayaasha Hawiye ayaa soo dhoweeyay tallaabadaas, iyagoona ku tilmaamay mid hambalyo mudan, waxaana ay qeexeen in Dowladda looga fadhiyo inay ficil ahaan u sameyso arrinkaas.

Kooxaha mucaaradka ayaa u muuqda kuwo si kal iyo laab u soo dhoweynayay go’aanka Baarlamaanka ee uu isugu raacay ku dhaqanka shareecada Islaamka waxaana shalay soo dhoweeyay Xisbul Islaam garab uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Xasan Camey.

 Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye
xaadWaxaa sidoo kale Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa soo dhaweeyay ansixinta Baarlamaanka DKMG ahi uu ku ansixiyay Qaadashada ku Dhaqanka Shareecadda Islaamka, waxayna ku tilmaameen talaabo Horey loo qaaday oo u Baahan in Ficil lagu daro.
Maxamed Xasan Xaad oo ah Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ku baaqeyn in arrintaasi la dar dar galiyo isla markaana la helo Dadkii Fulin lahaa.
Mudane Maxamed Xasan Xaad oo ka hadlayayna arrimahaai waxa uu yiri “waxaan rabnaa inaan soo dhaweyno ansixinta ay ansixiyeen Golaha Baarlamaanka Shareecadda Islaamka ku dhaqankeeda marka arintaas ayaan rabnaa inaan Dadweynaha Soomaaliyeed ugu Hanbalyayno ayaga aan ugu Hanbalyayno oo aan isleenahay waa talaabo Horey loo qaaday, marka waan soo dhaweynaynaa waa arin wanaagasan”.
Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in arrintaas la dar dar galiyo, runtii waxay ahayd arrin laga dhursugayay in Barlamaanku uu ku dhawaaqo,balse  waxaa loo baahan yahay in ficil lagu daro, lana helo dadkii Fulin lahaa, Guddoomiyuhu wuxuu intaa raaciyey, haddii Dowladda KMG ah ay ku dhaqanto Shareecadda Islaamka waxay noqonaysaa Dowlad Sharci ah,  Umadeedana ku dhaqdo Shareecadda Islaamka, waayo Soomaaliyeed waxay wakhti dheer u baahnaayeen maadaama ay yihiin dad 100% Muslim ah, inay  mar uun arkaan dalkooda oo lagu dhaqmo Diinta Islaamka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: