Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya oo Maanta si buuxda u ansixiyey ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

baarlamaanka-kmg

Halkaan ka akhri

Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Midnimada Qaran oo Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay xerada gaadiidka Booliska ee waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa si buuxda waxaa ay u ansixiyeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka xilli ansixinta qodobkan uu dhowr jeer dib u dhacay.

Kulankan baarlamaanka ee Maanta uu yeeshay ayaa waxaa fadhiyay ilaa 340 xildhibaan, kuwaas oo ugu dambeyntii isugu raacay, iyadoo aysan jirin cid ka aamusta ama diiday in dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka.

Qodobkan ayaa waxaa hore u ansixiyey golaha wasiirada iyadoo Maantana uu ansixiyey golaha Baarlamaanka, taas oo muujinaysa in dowladda Midnimada Qaran u diyaar garowday in ay ku dhaqanto Shareecada ilaa heer Qaran.

Iyadoo ummadda Soomaaliyeed mudo aad u dheer ku soo dhaqmaysay shareecada Islaamka ayaa hadana qodobkan waxaa loo arkaa mid fursad u ah xubnaha mucaaradsan dowladda Midnimada Qaran, maadaama xubnahaasi badankood ay ku eedeeyaan dowladda Midnimada Qaran in aysan ku soconin wadada saxda ah.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa lagu arkayey mas’uuliyiinta sare ee Baarlamaanka, qaar ka mid wasiirada xukuumadda KMG iyo marti sharaf kale, si ay ula socdaan jawiga iyo qaabka xildhibaanadu u codeynayeen, iyadoo gudoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay natiijada cod bixinta.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: