Ururka Islaamiga ee Al-Islaax oo si buuxda u taageeray go’aankii uu Maanta ansixiyey golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

al-islaax

Halkaan ka akhri

al-islaaxXarakada islaamiga ah ee Al-Islaax ayaa waxaa ay si buuxda u soo dhoweeyeen ansixintii ay golaha Baarlmaanka Soomaaliya ay Maanta ansixiyeen in dalka Soomaaliya lagu dhaqo Shareecadda Islaamka.

Warsaxaafadeedka Ururka Islaamiga ah ee Al-Islaax ayaa waxaa uu u qornaa sida tan:-

Ururka Islaamiga ah ee Al-Islaax kadib markii uu arkey Go’aanka Taariikhiga ah ee Maanta oo ay taariikhdu tahay 18/04/2009 uu golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ku ansixiyey Hirgelinta ku dhaqanka Shareecadda Islaamka ee dalka Soomaaliya ayuu soo saarey war Saxaafadeedkan.

1. Ururka wuxuu si buuxda u soo dhoweynayaa una taageerayaa Go’aanka Taariikhiga ah ee golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ku ansixiyey Hirgelinta Ku dhaqanka Shareecadda Islaamka ee lagu dhaqayo dalka Soomaaliya.

2. Ururka Al-Islaax waxaa uu dhamaamba Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqayaan in ay soo dhaweeyaan isla markaana ay garab istaagaan Go’aankaasi Taariikhiga ah ee uu Baarlamaanku gaarey iyaga oo u arkaya guul weyn oo u soo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed.

3. Ururku wuxuu soo jeedinayaa in si buuxda leysaga kaashado sida ugu haboon ee loo hirgelin karo Go’aankaasi.

Baaqan ayaa waxaa ku saxiixnaa gudoomiyaha Ururka Al-Islaax Sheikh Cismaan Ibraahim Axmed.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: