Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa oo weli ku sugan dalka Turkiga, iyagoona Caawa ku hoyanaya magaalada Istanbul.

EU TURKEY SOMALIA

Halkaan ka akhri

somalia-turkiyaMadaxweynaha dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Ahmed ayaa Maalintii Jimcaha gelinkii danbe gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Sharif Sh. Axmed ayaa soo dhoweyn heer sare ah loo sameeyey kadib markii uu soo dhaweeyay Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gul, iyadoo ay salaan sharaf ka qaateen ciidamada Turkiga, isla markaana loo riday 21 madfac oo soo dhoweyn ah.

somalia_turkiya

Madaxwaynaha Soomaaliya Sheikh Shariif ayaa waxa uu isla markiiba kulan fool ka fool ah kula yeeshay guriga madaxtooyada Madaxweynaha Turkiya Abdullah Gul, iyadoo labada Madaxwayne ay isla soo qaadeen qodobo muhiim u ah labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiya.

EU TURKEY SOMALIAMadaxwaynayaasha Soomaalya iyo Turkiya ayaa waxaa ay shir jaraa’id ku qabteen xarunta Madaxtooyada ee Turkiga, kaasoo lagu marti geliyay qaybaha kala duwan ee warbaahinta gudaha iyo dibada.

Shirkaasi Jaraa’id ayaa waxyaabihii ay uga hadlayeen labada Madaxwayne ayaa waxaa ugu muhiimsanaa sidii loo xoojin lahaa boorkana looga jafi lahaa xiriirka faca wayn ee ka dhexeeyay labada dal, iyo iskaashi ay yeeshaan labada dal.

somalia-turkey

EU TURKEY SOMALIAMadaxwayne Sheikh Shariif waxaa uu mahadcelin kadib si aad ah uga faalloday isbeddeladii ugu dambeyay ee ka dhacay dalka Soomaaliya iyo sida dawladdiisa ay ugu heellan tahay dardargelinta arrimaha dib u heshiinta iyo wax ka qabashada arrrimaha ammaanka, iyo soo noolaynta hay’adihii dawliga ahaa.

Madaxweyne Sheikh Sharif iyo wefdigiisa ayaa waxaa ay Xalay casho Sharaf la qaateen Madaxweynaha dalka Turkiga Abdullah Gul iyo Wasiiradiisa.  

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Sharif iyo Wafdigiisa ayaa waxaa ay duhurnimadii Maanta gaareen magaalada caanka ah ee Istanbul oo ay Caawana Casho Sharaf kula leeyihiin mas’uuliyiinta dowladda Turkiga.

SomaliSwiss Istambul

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: