Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Belgiumka oo shaaca ka qaaday in kulan looga hadlayo Xaaladda Soomaalia uu ka furmi doona Brussels.

beljium

Halkaan ka akhri

Wasaaradda Arimaha Dibaddadalka  Beljium ayaa shalay Shaaca ka qaaday in Kulan Caalami ah oo looga hadlayo arrinta Soomaaliya isla markaana ay Maalgalinayaan Q.M iyo Midowga Yurub lagu qaban doono 23 Bishan April magaalada Brussels.

Wasaarada Arrimaha Dibadda Beljiumka ayaa ku sheegtay Ujeedada Shirkan sidii Dib loogu soo celin lahaa Dowlad la aqoonsanyahay Wadanka Soomaaliya.

Romain Nadal oo ka mid ah  Afahayeenada u hadla Wasaarada arimaha Dibadda ayaa sheegay in Ujeedada laga leeyahay Kulanka waa sidii dib loogu soo celin lahaa Dowlad la aqoonsan yahay oo uu yeesho Wadanka Soomaaliya, iyadoo loo marayo in la dhameystiro Wadahadalka Siyaasadeed si ay u guuleysato xukuumadda Soomaaliya, lana xoojiyo Awoodeeda si ay u gudato howsheeda.

Sidoo kale Romain Nadal wuxuu intaa ku daray ee sheegay in jawaabta laga bixinayo Weerarada Burcad Badeedu aysan suuro gal ahayn in ay noqdaan Talaabo Milatari oo kaliya, midkaasina ma noqon karo Jawaab socon karta haddii aysan jirin Qorshe ay isla Dajiyaan Beesha Caalamka si looga hortago Asbaabta hor taagan wax ka qabashadda Muskhiladan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Ban Ki-moon ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo Shirkan, sidoo kale waxaa ka soo qayb galaya Javier Solana oo ah u qaabilsanaha Midowga Yurub Arimaha Siyaasadda Dibada, Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan Arimaha horumarinta Louis Michel iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Cristina Gallach oo ah haweenay Afahayeen u ah Javier Sola ayaa ku tilmaantay Shirka inuu noqon doono mid Siyaasadeed iyo mid Kaalmo loogu Uruurinayo Soomaaliya.

Haweynaydan ayaa xustay in Fikradaha lagu soo hadal qaadayo Shirka ay ka mid tahay Arimaha Burcad Badeeda ee uu Midowga Yurub qeyb ka yahay ka hortageeda.

Waxaa sidoo kale Afahayeen u hadlay Midowga Yurub uu xaqiijiyay in Shirka looga hadli doono sidii si ficil ah loo Kaalmeyn lahaa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, balse sida la sheegay laga doorbidayo in la Xoojiyo Ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Wurku wuxuu intaa ku daray in ku dhawaad 30 Dowladood oo isugu jira Yurub iyo Afrika iyo mareykankuba ay ka soo qeyb galayaan shirka.

SomaliSwiss   Brussels.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: