War degdeg: Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo lagu dilay agagaarka Warshada Biyaha Caafi.

war degdeg ah

Halkaan ka akhri

War degdeg ah oo goor dhoweyd aan ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha Islaamka lagu dilay isaga iyo Ilaaladiisa agagaarka Warshada Biyaha Caafi, kadib markii gaari uu watay oo ahaa Roneyd uu rasaaseeyay gaari kale oo ay wateen Kooxo Hubeysan.

Sidoo kale Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay KARIYE, waxaana la sheegay inuu ahaa Sarkaalka heysta Saldhiga Degmada Hodan oo ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha Islaamka.

Warku wuxuu intaa ku daraya in Kooxaha Hubeysan ay gaarigiisa la eegteen rasaas xoogan, taasoo keentay in isaga iyo Ilaaladiisa ay ku geeriyoodaan, waxaana gaariga uu gudaha u galay Guri ku dhowaa Wadada Warshadaha, taasoo keentay geerida Haweeneyd deganeyd guriga.

Balse ilaa iyo hada wax war kama soo bixin Maxkamadaha Islaamka, waxaana sidoo kale la sheegi karin kooxaha ka dambeeyay dilkaas, hase ahaatee dilkan ayaa imaanaya kadib markii shalay isla Wadada Warshadaha lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: