Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo isku raacay in dib loo dhigo kulankii Baarlamaanka KMG uu Maanta yeelan lahaa.

barlamaanka1

Halkaan ka akhri

Kulan uu Maanta Magaalada Muqdisho ku yaalen lahaa Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya, loogana doodi lahaa Hirgalinta Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka ayaa Dib loo dhigay ilaa Maalinta Sabtida ah ee soo socota, waxaana lagu sheegay Sababta kulanka uu dib ugu dhacay in ay la xiriirto Dilkii Shalay Galinkii Dabmbe loogu Geystay Magaalada Muqdisho Xubin ka tirsan Baalamaanka KMGS.

Cismaan Cilmi Boqore oo ah  Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya, ayaa Sheegay in ay munaaqasho Dheer ka dib uu Gudoonka Baarlamaanka KMG ah isku raacay in kulanka Dib loo dhigo ilaa Maalinta Sabtida ah Sababa la xiriira Dilkii C/laahi Ciise Abtidoon oo ahaa Xubin ka mid ah Baarlamaanka DKMG ah.

Gudoomiye ku xigeenku ayaa  dib u dhaca kulankii maanta u Qoorsheysnaa ka warbixinaya wuxuuna yiri: ”Markii Gudoonka iyo Xafiiska aan Dib isugu noqonay oo Caawo aan arrintaa ka Munaaqashoonay waxaan go,aansanay in shirkii Baarlamaanku yeelan lahaa dib loo dhigo Tacsida Taala Awgeed, sida aad la socotaan waa tii horey golaha Xukuumadu ay Baarlamaanka ugu soo gudbiyeen Sharciga ku Dhaqanka Shareecada Islaamka, markaa waxay ahaan laheyd Maalintii Xubnaha Baarlamaanka loo qeybi lahaa Sharcigaas si ay 24 saac u soo darsaan, bilowgii Shirka ayuu noqon lahaa Insha’allah, tacsida noo taala Awgeed ayaan Dib ugu dhignay Maalinta Sabtida ah.”

Sidoo kale Mudane Cismaan Cilmi Boqore oo ka hadlayey Qorshayaasha Amaanka ee Xubnaha Baarlamaanka KMGS, ayaa sheegay in wali Nabadgalyada magaalada Muqdisho aan sugneen 100% , waayo Dowladda waxay joogtaa laba bilood oo keliya waxay wadaa howlihii lagu sugi lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan Caasimadda, wuxuuna intaas ku daray inay jiraan duruufo kale.

Si kasta ha ahaatee hadalka ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka KMGS, ayaa imaanaya Xili lagu waday in uu Maanta Qabsoomo kulan uu yeelanlahaa Baarlamaanka DKMGS oo ay kaga Doodi lahaayeen Hirgalinta Shareedcada Islaamka, sidoo kale hadalkan ayaa ku soo beegmaya Xilli Galinkii danbe ee Shalay ay kooxo Hubeysan ku Dilay Magaalda Muqdisho Xubin Baarlmaanka KMGS ka tirsanaa oo lagu Magacaabi jiray C/laahi Ciise Abtidoon

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: