Xildhibaan Cabdullaahi Ciise Abtidoon oo ay Galabta kooxo hubaysan toogasho ku dileen gudaha Magaalada Muqdisho.

baarlamaanka-kmg-1

Halkaan ka akhri

Koox dabley hubeysan ayaa fiidnimadii Caawa waxaa ay toogasho ku dileen Xildhibaan C/llaahi Ciise Abtidoon oo ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka dowladda KMG ah, isagoo Baabuur wata oo marayay inta u dhaxeysa Warshadda Baastada iyo Warshadda Koko-kola ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/llaahi Ciise Abtidoon ayaa waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanadii Baarlamaanka ka soo galay dhinaca Isbahaysiga dib u xoreynta, waxaana laga soo toogtay gaari ay wateen raggii hubeysnaa ee dilkiisa ka dambeeyey, sida uu Xildhibaan Sheikh C/Sataar Sh. Cabdisalaan Sh. Xasan Barsane u xaqiijiyeen wariyaha SomaliSwiss ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Sheikh C/Sataar Sh. Cabdisalaan Sh. Xasan Barsane iyo Xildhibaano kale ayaa Cambaareyn dusha uga tuuray kooxdii fulisay falka lagu dilay xildhibaanka geeriyooday, iyagoo tilmaamay in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha caadiga ee u yaala golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Sheikh C/Sataar Sh. Cabdisalaan Sh. Xasan Barsane ayaa waxaa uu tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo dhammaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee ay wada shaqeynayeen, isagoona bulshada ugu baaqay in ay tashadaan sidii ay uga gudbi lahaayeen mushkiladahan ka taagan Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee xaaladda magaalada Muqdisho ayaa Maanta aheyd mid kacsan, iyadoo ciidan ka wada tirsan dowladda KMG ahna ay Maanta isku xabadeeyeen Isgoyska KM4 ee Muqdisho, Israsaaseyntaas oo ay ka dhalatay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac intaba.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: