Markab Kuwa shidaalka ah oo u rarnaa Ganacsato Soomaali oo geystey dhibaato isugu jirta dhimasho iyo dhaawac….

markab-tanker

Halkaan ka akhri

Markab kuwa Shidaal qaada ah oo ku xirnaa Dekeda Magaalada Muqdisho, una rarnaa Ganacsato Soomaali ah, laga lahaa Dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa in shalay qorax-dhacii ka furtay asagoon la ogeyn sababta uu uga baxay Dekada.

 

Hase ahaatee wararka ayaa Sheegaya in Muran Dhexmaray Kabtankii Markabka iyo Ganacsatadii uu u rarnaa kaas oo ka dhashay kadib markii lawaayey ilaa 150 Tan oo shidaalkii Markabku waday ah,arintaas oo muran dheer kadib ay ganacsatadii Markabku u rarnaa ay saarteen Markabka dushiisa labo Askari oo ilaalada Dekeda ka tirsan  iyo Nin ka tirsan Ganacsatada.

 

Kadib waxaa la sheegay in Markabkii uu si kadis ah uga furtay Dekada Magaalada Muqdisho Maalitii Isniinta aheyd kadib markii Ciidamada AMISOM ay Xanibeen Xiligaas Dhamaan Daqdhaqaaqyadii kala Duwanaa ee Dekeda sababo hub dajin ah oo xiligaa ka socday Degkeda Muqdisho awgeed.

 

Hase yeeshee waxaa shalay ay Kaluumeysato Soomaali ah ka soo heleen Badweynta Dhexdeeda hal Askari  oo Meydka iyo Askarigii labaad oo Dhawaac ah oo Bada sabeynaya, waxaana ilaaa iyo hada lalà yahay Ninkii Ganacsadaha ahaa oo nolol iyo geeri intaba lagu haynin.

 

Sidoo kale  Askarigii Dhaawaca ahaa wuxuu  sheegay Ragii Kalluumaysatada ee soo helay in isaga iyo labadii qof kale ay xili Cunteynayeen ay Xirxireen Shaqaalihii Markabka hubkiina ay kala wareegeen isla markaana ay Bada ku tureen.

 

Dhinaca kale Ganacsatadii markabku u rarnaa ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin Falka ay ku dhaqaqeen Shaqaalihii Saarnaa  Markabka.

 

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga ee Dowladda KMG ah C/rashiid Ciro ayaa Sheegay in ay arinkan ka war heleen isla markaana aanay ka hari doonin Markabkii geystay Falkaas, waxa uuna intaa ku daray in ay xiriiro Badan la sameeyeen Dalalka aan la leenahay xuduuda Badan, Gaar ahaan Dalka Imaaraadka oo Markabkan laga lahaa.

 

Sidoo kale Arintan ayaa noqotay mid aad uga yaabisay dhamaan Dadka Reer Muqdsiho, waxayna qeyb ka tahey dhibaatooyinka kale duwan ee Shacabka Soomaaliyeed la kulmaan.

 

Somali Swiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: